Xisbigii uu soo hogaamiyay Nelson Mandela oo la kulmay jab xooggan

Image
Waa markii ugu horeysay oo natiijo noocaan ah oo la kulmo xisbiga muddo 30-sano gudaheeda ah.

CAPE TOWN, South Africa - Xisbiga uu mar hogaaminayay Nelson Mandela ayaa wajahay natiijadii ugu xumayd ee doorashada tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorka 30 sano ka hor.

Natiijooyinka doorashooyinka degmooyinka oo 99% lagu dhawaaqay ayaa muujiyay in xisbiga ANC uu haysto 40%. Tani waa hoos u dhac aad u daran tan iyo doorashadii hore markaasoo uu helay 58%.

Taas macneheedu ayaa waxay tahay inay awoodda uu la wadaagayo hal ama dhawr xisbi - wada xaajoodku ma noqon doono mid toos ah
Midig-dhexe.

Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance (DA) ayaa weli ah xisbiga labaad ee ugu weyn waxaana uu doorashadda ka helay codad wadartoodu ay gaareyso illaa 22%.

Xisbiga cusub ee MK oo uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee waddankaas Jacob Zuma ayaa ku jira kaalinta saddexaad isagoo helay wadar codadkoodu gaarayo 15%.

Madaxweyne Ramaphosa ayaan wali caddeyn mowqifkiisa natiijaddan. Saami qaybsiga kuraasta Golaha Shacbiga oo ka kooban 400 oo xubnood ayaa si toos ah uga tarjumaysa saamiga codadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM