Xoghayihii uu Abiy u magacaabay ururka IGAD oo xafiiska la wareegay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xoghayihii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu 22-kii October u magacaabay IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa wuxuu Khamiistii, si rasmi ah xilka ula wareegay.

Gebeyehu oo xilka kula wareegay munaasabad ka qabsoontay magaala madaxda dalka Jabuuti ayaa wuxuu bedelay Maxbuub Macalin oo Kenyan ah.

Xil wareejinta oo aad loo sugayey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socotay labadda dowladood ee deriska ah.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili uu taagnaa khilaaf ka dhashay magacaabida Abiy maadaama Soomaaliya iyo Jabuuti ay doonayeen in ay qabtaan xilalka gudoomiyaha iyo xoghayaha fulinta IGAD.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay dalbadeen isbedel lagu sameeyo jagooyinka muhiimka ah ee Urur Goboleedka ay ku midansan yihiin dalalka Bariga Afrika.

Itoobiya iyo Kenya oo sideedii sano ee lasoo dhaafay isku bedelayey xilalkan ayaa mar kale doonaya. Abiy wuxuu horaantii 2019 qiray baahida dib u habeyn lagu sameeyo xilalka IGAD.

Shir la qorsheeyay in uu Kenya ka qabsoomo oo ay isugu yimaadaan madaxda dalkan ayaa baaqday bishii October, sababo ku aadan magacaabidii Abiy oo xiisad holac kusii shiday.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay ku warameysaa in ismaandhaafka uu hakad geliyay qaar kamid howlihii muhiimka ahaa ururka.

Kulan ay dhowaan yeelan doonan hogaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah ururkan ayaa la filayaa in go'aan looga gaaro dalka qabanaya xilka gudoomiyha IGAD xili ay Kenya ugu cad-cadahay.

Xukuumadda Muqdisho iyo Jabuuti ayaa nan wali ka falcelin xil la wareegitaanka Workneh Gebeyehu, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya haatana ah Agaasinka Guud ee xafiiska UN-ka ee Nairobi.

IGAD oo ka shaqeeya iskaashiga dalalka ee ganacsiga, amniga, siyaasadda iyo nabadda ayaa dhidibada loo taagey 1986-dii. Soomaaliya oo aas-aaseyaasha kamida wali xil sarre kama qaban abid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM