Xubno Cabdi Illay "ka caawinayey" in uu baxsado oo xabsi loo taxaabay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Taliska Booliska ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu shaaca ka qaadey in ay xabsiga u taxaabeen tobanaan ruux oo aysan daboolka ka qaadin tiradooda saxda ah.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay warineysaa in raggaasi lagu eedeeyay "in ay ka caawinayeen" Cabdi Maxamuud Cumar in uu xabsiga ka baxsado.

Shaqsigaasi ayaa lagu waramayaa in ay guri ka kiristeen meel ku dhow goobta uu ku xiran yahay Cabdi Illay oo ah xabsiga lagu magacaabo Qality.

Wargeyska Ethiopian Reporter ayaa wuxuu tibaaxayaa in xubnahaasi la xiray 5-tii bisha August, ayna sameeyeen iska cabin tacshiirad dhalisay.

Warbixinadda oo laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa intaasi raacinaya in ciidamadda ay sidoo kale qabteen hub fara badan oo aanan la kala caddeynin nooca ay yihiin.

"Iska hor imaadka wuxuu yimid markii meel ku dhow xabsiga ay soo dhigteen gaari yar, lagana codsaday in ay gebi ahaanba meesha ka dhaqaajiyaan," ayuu yiri sarkaal diiday in magaciisa la adeegsado.

Bishii August 27-deeda ee sanadkii hore 2018-kii ayay ahayd markii Cabdi Illay laga xiray Addis Ababa, isaga oo dhowr jeer maxkamad lasoo taagay.

"Isku dayga ay rabeen in ay uga caawiyaan Cabdi Illay in uu baxsado oo ahaa mid abaabulan wuxuu dhacay markii uu kasoo baxay maxkamadda kuna sii jeeda xabsiga," ayuu ku daray.

Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida ayaa loo haystaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo in uu isku dayey in uu gobolka Soomaalida kaga dhawaaqo madax banaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM