Xukun lagu ridday shaqsiyaadkii loo haystay weerarkii Westgate Mall

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa Jimcada maanta ah xukuntay labada shaqsi ee la sheegay in xeer-beegtada ku caddeysay in ay door ku lahaayeen weerarkii ururka Al-Shabaab ee Westgate Mall.

Maxamed Axmed Cabdi ayaa lagu xukumay 33-sano oo xarig ah, halka Xasan Xuseen Mustafa garka loo geliyey 18-sano oo xabsi ah.

Soddon iyo kow sano jiraddan ayaa 7-dii bishaan October waxaa lagu dhawaaqay in lagu helay dambiyo ay kamid yihiin in ay qayb ka qaateen naqshadeynta duulaankaas iyo in ay caawiyeen dableydii howlgalka fulisay.

Xukumaneyaasha oo fadhigii maanta ka hadlay ayaa garsooraha waydiistay naxariis maadaama ay 7-dii sano ee u dambeysay ay jeel ku jireen.

"Inkasta oo qareenadooda ay ku adkeysteen in aysan dambi gelin, haddana waxaa cad in ay ku kaceen fal khatar ah, dhimasho iyo burbur horseeday, waxaana ay mudan yihiin ciqaab," ayuu garsoore Francis Andayi tibaaxay.

Garsooraha oo aqbalay soojeedintooda in ay todoba xirnaayeen ayaa ku kala xukumay min 26-sano oo Cabdi ah, iyo 11-sano oo Mustaf ah.

Cabdi waxaa 15-sano oo kamid ah xukunka lagu ridday loogu go'aamiyey in uu mukhaabaraadka u qaabilsanaa dableyda, in uu u faafin jiray dayaacadaha iyo in uu ku taageeray qalab uu kamid yahay laabtoobkiisa shaqsiga ah.

Weerarkii Westgate Mall oo dhacay 21-ka September 2013-kii ayaa lagu dilay ku dhowaad 70 ruux ay ku jiraan cadaan reer Galbeed ah, halka ay ku dhaawacmeen tirro kale. Dableyda waxay dhismaha haysteen afar maalmood.

Beegsiga xaruntaas loo tukaameysi tago ayaa ku qasbay dowladda Kenya talaabooyin ay kamid yihiin in ay xoojiso joogitaankeeda gudaha Soomaaliya si ay uga hortagaan weeraro kale oo horleh, balse ma guuleysan qiddaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM