Xukuumada cusub ee Sudan oo la dhaariyey, maxaa laga sugayaa?
Khartoum - Xukuumadii ugu horeysay tan iyo intii xukunka laga tuurey kaligii taliye Cumar al- Bashir ayaa la dhaariyey maalinimadii Axada iyadoo wadankaan dhaca qaarada Afrika nasiib u heley iney ka arimiso dowlad rayid ah kadib mudaharaadyo baahsan oo dalkaas ka dhacey.
18 Wasiir iyo Ra'isal wasaare Cabdalla Hamdok ayaa waxaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada. Golahaan Wasiirada waxaa xubno ka ah Afar dumar ah.
Waxaa laga sugayaa golaha xukuumada ee cusub in howl maalmeedka dalka qabtaan 39 bilood ee lagu jiro xiliga KMG ah.
Xukuumadaan ayaa la dhisey kadib markii bishii la soo dhaafey dalka Sudan la dhaariyey gole loogu magac darey mid madaxbanaan kaas oo ka kooban rayid iyo ciidamo kor kala soconaya xiliga KMG ah.
18 Wasiir ayaa la arkayey iyagoo salaamaya xubanaha golaha sare ee Madaxa-banaan, kuwaasoo uu hogaaminayo General Cabdel Fattah al-Burhan, muqaalkaas oo laga daawadey talefishinka qaranka ee dalkaas.
" Waxaan awood badan saarney in ka dhabeyno dadkayaga dalabkooda," sidaas waxaa u sheegey saxaafadii joogtey munasabdaas Wasiirka Warfaafinta Faisal Maxamad Saleh
" Aduunku waa na daawanayaa. Waxaa uu suga-yaana sidaan u xalino arimaheena."
Golahaan madaxa banaan ayaa isagana ka yimid awood qaybsi ay sameeyeen banaanbaxayaasha iyo Jeneraladii xukunka ka tuurey Cumar al-Bashir bishii April ee sanadkaan horaantiisa.
RW Hamdok xukuumadiisa, oo ay kamid tahay Haweeney noqotey Wasiiradii ugu horeysay ee arimaha dibada ayaa laga sugayaa iney ka gudubto caqabado adag kuwaasoo ay kamid yihiin dagaalo ka socda gudaha dalkaas.
Jabhado ka dhisan Darfur, gobolka la yiraahdo Nile-ka buluuga ah " Blue Nile" iyo Koonfurta Kordofan ayaa iska horimaadyo kula jirey ciidamadii dowladii dhacdey ee Cumar al- Bashir.
"Wadada naga horeysa ma sahlana. Waxaan wajaheynaa caqabado badan lakiin waa In aan ka shaqeynaa," sidaas waxaa yiri Walaa Issam, Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga.
- 'qorshaha 200 ee maalmood'-
Heshiiska awood qaybsiga dalka Sudan ujeedkiisu ayaa waxaa uu yahay in heshiis lala galo jabhadaha hubeysan.
Hamdok xukuumadiisa ayaa laga sugayaa iney la dagaalanto musuqmaasuqa iyadoo meesha ka saareysa gabi ahaanba kooxo diiniga ah ee awooda badan ku leh nidaamka dowliga ah ee dalkaas kuwaas la abuurey waqtigii uu talada hayey Cumar al-Bashir.
Bashir ayaa xukunka la wareegey 1989 isagoo tageero ka heley ururo Islaami ah.
Wadankan ayaa wajahay mudadii uu xilka hayey Cumar al-Bashir oo iminka Maxkamad suge ah dhibaatooyin dhaqaale iyadoo la lunsadey dhamaan deeqihii caalamiga ahaa ee loogu deeqey.
Caqabada ugu weyn ay wajahayso xukuumadaan ayaa ah iney dib u soo nooleeyaan dhaqaalaha burburey ee dalkaas.
" Waxaa na horyaal barnaamij soconaya labo boqol oo maalmood anagoo rabna in aan dib u soo noleyno dhaqaalaha dalka Sudan si aan hoos ugu dhigno heerka maciishada waqtiga dhow," sidaas waxaa yiri wasiirka maaliyada Sudan Ibrahim Axmad Al- Badawi.
" Waxaan kaloo leenahay qorshe ku wajahan mustaqbalka fog kaas oo aan rabno in aan dib ugu dhisno guud ahaan dhaqaalaha," ayuu yiri isagoo ku darey in dalku sugayo dhowaan kaalmo dhinaca dhaqaalaha kaas oo lagula tacaalayo dhibaatooyinka degdeg ah ee na horyaal.
Xog laga soo xigtey dallada dhakhaatiirta ku xiran banaanbaxyaasha ayaa sheegey in dhaqdhaqaaqyadii xukunka lagaga tuurey Cumar al-Bashir ay ku dhinteen dad gaaraya 200 oo qof.
127 kamid ah dadkaas waxaa la diley horaantii June xiligaas oo la isku dayey in la burburiyo mudaharaadkii fadhiga ahaa ee ka dhacacyey afaafka hore ee xarunta ciidamada amniga dalka Sudan taas oo ku taal magaalo madaxda Khartoum.
GAROWE ONLINE