Xuutiyiinta oo weerar noociisa aan horey loo arag ka fuliyay Badda Cas

Image
Afhayeenka Milliteriga Yemen ayaa si rasmi ah waxa uu u xaqiijiyey weerarkan naadirka ah.

NAIROBI, Kenya - Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar bambaano oo doon siday ku qaadeen markab ganacsi oo marayey badda cas, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Afhayeenka Milliteriga Yemen, Sarreeye Guuto Yahya Saree, ayaa xaqiijiyey mas’uuliyadda weerarka, isagoo ku tilmaamay markabka la beegsaday in uu ahaa Tutor oo ka babanaayay calanka dalka Liberia, balse laga leeyahay dalka Giriigga.

Waxa uu ku tilmaamay weerarkaasi in loo adeegsaday “Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” iyo sidoo kale doonyo siday walxo qarxa si lamid ah gantaalaha ballistic-ga ah.

Xarunta hawlgallada ganacsiga badda ee millatariga Ingiriiska waxay tilmaantay in gantaalka uu markabka kaga dhacay dhabarka dambe ee markabka yar ee cadaanka ah ee koonfur-galbeed ka xiga magaalada dekedda ah ee Xuutiyiinta ay maamulaan ee Xudeyda.

Kabtanka "wuxuu ka warbixiyey in markabku uu kaliya waddo biyaha, oo uusan hoos imaanin amarka shaqaalaha," ayay UKMTO sidaas tiri war-saxaafadeed ay soo saartey.

UKMTO ayaa sidoo kale waxay "warbixnteeda si gaar ah ugu caddeysay in markabka uu mar labaad ku dhacay gantaal hawada laga saaray oo aan la garanayn cidda soo riday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Oo Magacowday Ra’iisul Wasaare Cusub

Miisaaniyadda dowladda ayaa la filayaa inay kororto 12% sanadkan maaliyadeed si loo maalgeliyo mashaariicdaas.

  • Afrika

    13-11-2025

  • 02:05PM