Yoweri Museveni oo sharaxay farqiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda

Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha 76-sano jirka ah ee ka arimiya Uganda, Yoweri Museveni, ayaa is-barbar-dhig wuxuu u sameeyay waddankiisa iyo Soomaaliya oo ay ka joogaan ciidamo ka tirsan howgalka AU-da ee AMISOM.

Dhawaqaan ayaa ka dhawaajiyey kadib kulan uu Madaxtooyadda Kampala kula qaatay marwada koowaad ee Soomaaliya, Saynab Cabdi Macalin, iyo wafdi ay horkaceyso oo ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu ku jiro.

Sidda uu wariyey bogga Chimp Reports, socdaalka wafdigaan ayaa daaran ka qeybgalka xaflad Khamiista maanta ah lagu daafurayo warshad sonkorta sameysay oo ay Uganda ka hirgelisay haweenay ganacsato Soomaali ah.

Shirkadda oo muddo bilooyin ah si tijaabo ah usii shaqeyneysa ayaa lagu magacaabaa Atiak, waxaana iska leh Dr Aamina Xirsi Moghe.

Museveni oo wafdiga qaabilay kahor munaasabada furitaanka ayaa kala hadlay arrimo khuseeya Soomaaliya iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Chimp Reports ayaa intaas ku daray in Museveni uu Soomaalida ugu baaqay in ay midoobaan iskana baabi'iyaan fekerka salka ku haya qadiyada qabiilka.

Isagoo is-barar-dhig sameynaya, Uganda ayuu tibaaxay in ay u kala qeybsan tahay qabiil ahaan iyo diin ahaan, balse Soomaaliya aysan sidaas ahayn.

"Markii Dhaqdhaqaaqa Iska-caabinta Qaranka uu xukunnka qabsaday 1986-dii, dalka [Uganda] wuxuu u kala qeybsamay diin ahaan iyo qabiil ahaan. Soomaaliya way ka mideysan tahay dhanka diinta, balse waxay ku kala tagtay dhanka qabiilka. Aan wada eegno danaha guud ee u wanaagsan dadkeena. Shirkadan waxay xoojin doontaan ganacsiga iyo horumarka labadeena qaran," ayuu tibaaxay.

Uganda ayaa waxaa degan Soomaali badan oo isugu jirta qaar u tagay dano waxbarasho iyo shaqo, kuwa qaxooti ku ah iyo tirro kale oo ku sugaya fursad ay uga sii gudbaan dibadda. Dhamaantooda waxay ku haystaan nabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM