Yoweri Museveni oo tallooyin siiyay madaxweynaha Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Yoweri Museveni oo soo bandhigay nuqul kamida wada sheekeysi uu la yeeshay dhigiisa Soomaaliya ayaa shaaciyey "inuu u sheegay" Farmaajo in dhibaatada dalka haysata ay tahay nidaamka burburay.

Labada madaxweyne ayaa dhowr jeer ku kulmay shirar iyo booqashooyin uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tegay waddankaasi balse hadaladan waxay is-dhaafsadeen is-aragii ugu dambeeyay ee labada mas'uul.

"Waxaan u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uusan haysan dowlad shaqeyneysa, hadii nidaamka uusan abaabulneen," ayuu Museveni yiri, isagoo sharaxaya fahfaahinta kulankii ugu dambeeyay uu la yeeshay Farmaajo.

Isaga oo soo koobaya nuxurka, xusayana taladii uu siiyey hogaamiyaha Soomaaliya wuxuu yiri "Marka hore ku dadaal xasilinta dalka, kadib dadku way bilaabayaan bixinta canshuurta, kadib askarta waad siin kartaa mushaar".

Hadalkan ayuu Museveni wuxuu ka sheegay munaasabad habeenimadii Axadda ka qabsoontay Madaxtooyadda isla markaana uu ku qaabilay Jeneraalo howlgab noqday oo kamid ah ciidamada dalkaasi.

Mr Museveni ayaa intaasi raaciyey in hogaamiyeyaasha Soomaaliya looga baahan yahay in aysan ka walwalin bixinta mushaharka ciidamada balse ay diiradda saaran dhismaha ciidamo qaran oo aad u xoogan.

Uganda, dal dhaca bariga qaaradda Afrika, kaasi oo ay ciidamo ka joogan Soomaaliya, ayaa dhowaan tababaray 12 sarkaal oo kamid noqonaya Ciidamada Soomaaliya, kuwaasi oo dhowaan Muqdisho ka degay.

Xoogaga Uganda ka jooga wadanka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ayaa waxay ka tirsan yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo ay si rasmi ah ugu soo biireen sanadkii 2007-dii.

Ciidamada ajaaniibta ah oo si joogto ah u hela gunooyinkooda ayaa waxaa u dheer ka war-qab iyo baxnaano, halka kuwa Soomaaliya ay qaarkood dayacan yihiin, isla markaana hela mushahar la sheegay in aanu ku filayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM