Askar calooshood-u-shaqeystaal ka howlgala Soomaaliya oo la dhisayo

Image
Imaaraadka Carabta ayaa lagu waramay inuu yagyeelayo guutadan ciidan oo ka kooban 3,000 askari.

NAIROBI, Kenya - Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka shaqeynayaan dhismaha iyo isku-dabaridka cutub cusub oo militari ah oo u eg ciidamada shisheeye ee Faransiiska.

Sida laga soo xigtay Intelligence Online, ciidamadan ayaa ka koobnaan doona ugu yaraan 3,000 oo ajaanib ah oo la qorayo waxayna ujeedadoodu tahay in ay xoojiyaan awooda milatari ee Imaaraadka.

Sarkaal hore oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ayaa hogaaminaya hindisaha, waxaana qorista la qorsheeyay inta u dhaxaysa bartamaha 2024 iyo 2025.

Habka shaqaalaysiinta, oo ay maamuleyso shirkad fadhigeedu yahay Abu Dhabi, ayaa u ballan qaadaysa askarta mushahar fiican, waana talaabo muujineysa Imaaraadka Carabta la yimid isbedel dhab ah.

Ciidamadan cusub oo loogu magac daray “Guutada Shisheeye ee Ciidanka Imaaraadka" ayaa la sheegay in la geyn doono dalalka Yemen iyo Soomaaliya, halkaasoo Imaaraadka uu dano gaar ah ka leeyahay, balse ay caqabado amni oo badan kala kulmaan.

Hawlgalka Imaaraadku ka wado Bariga Afrika, gaar ahaan dhinaca milateriga iyo dhaqaalaha, waxa uu bud-dhig u ahaa siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Imaaraatka Carabta ayaa haatan ku lug leh tababarida askarta Soomaaliya si lamid ah sameynta saldhigyo ciidan iyo ka qeyb qaadashada mashaariicda bani’aadanimo iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in qorshahan cusub uu la jaan qaadayo hadafka ballaaran ee Imaaraadku leeyahay ee ah inuu awood ku yeesho gobolka iyo ka hortagga khataraha gobolka, gaar ahaan kooxaha taabacsan Iran sida dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha argagixisada ah sida Al Shabaab ee Soomaaliya.

Iskaashiga cusub ee milatariga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale ka dhigan isbeddel muuqda oo ku yimid xulafada gobolka waxayna si toos ah uga hor imanaysaa damaca istaraatiijiyadeed ee Imaaraadka.

Heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo ay Muqdisho si degdeg ah u ansixisay, ayaa Turkiga siinaya awood ciidan oo la taaban karo oo ku aadan gobolka, taasoo wiiqeysa maalgashigii hore ee Imaaraadka.

Heshiiskan oo uu wehliyo xiriirka koray ee Itoobiya iyo Somaliland ka go’ay ayaa dib-u-qaabeeyay isu-dheellitirka awoodda dawladda, taas oo keentay in Imaaraadku dib u qiimeeyo istiraatijiyaddiisa Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM