Daldalooda ku xeeran soo celinta Soomaalida ku xayiran Suudaan

Image
In ka badan 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa lagu waramay in ay Sabtidii gaareen magaalada Al-Qadar.

KHARTUUM, Suudaan - Safaaradda dowladda federaalka ee Khartoum ayaa xaqiijisay in Soomaali hor leh ay ku wajahan yihiin xadka dalka Suudaan uu la wadaago dalka Itoobiya si ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

In ka badan 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa Sabtidii gaaray magaalada Al-Qadar, sida uu VOA-da u sheegay safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isaaq Axaddii.

Isaaq ayaa waxa uu sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay kala xiriiraan dhiggooda Itoobiya si loo fududeeyo soo gelitaanka Soomaalida ee dalkaas.

"Soomaalida ayaa si iskooda ah u qorsheynaya safarkooda si ay uga cararaan Khartoum, iyaga oo aan safaaradda ama dowladda Soomaaliya gacan ka helin," ayuu yiri Isaaq.

120 dukumeentiyo 'go-home' ah

"Ma aanan siin gaadiid. Waxay ku baxayaan si iskood ah, laakiin waxaan siinaynaa hagitaan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay danjiraha oo u muuqda mid qiil u raadinaya in ay dayaceen muwaadiniinta.

Wuxuu sheegay in Soomaalida ay koox koox ugu safri jireen Al-Qadar, taasoo uu sheegay inay tahay marinka ugu nabdoon. Wuxuu kula taliyay haweenka inaysan keligood u safrin Al Qadarif.

Safaaradda Soomaaliya ee Khartoum ayuu carabka ku adkeeyay in ay weli furan tahay, ayna ka shaqeyneyso diyaarinta dukumeentiyada safarka ee dadka doonaya inay baxaan.

"Waxaan soo saarnay 120 dukumeenti 'go-home' kuwaas oo u oggolaanaya muwaadiniinta safarka u dhaxeeya magaaladda Khartoum ilaa Al Qadarif," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.

Ardayda Soomaaliyeed ee gaaray magaaladda Al-Qadarif ayaa soo wariyay in ay la daalaa-dhacayaan dhibaato dhinaca dhaqaalaha ayna doonayaan in ay helaan taakulo maaliyadeed.

Biyo, hoy, iyo xawaalad la'aan ba'an

Cabdalle Muuse Ibraahim, oo wax ka barta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Khartoum, ayaa tibaaxay in waxyaabaha daruuriga ah ay qaali noqdeen. Xafiis xawaaladaha ah oo lacag loogu soo dir lahaa ayuu xusay in ay xiran yihiin.

"Kharashka guryaha iyo nolosha aad bay qaali u yihiin," ayuu hadalkiisa kusii daray. "Ardayda halkan la timid lacagta jeebka waxay ku dhammaan doontaa lacagtu toddobaad gudihiisa".

Caasha Idiris Xasan oo iyana ka mid ah ardaydii ka soo qaxday magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa ka shanqarisay in ay dhibaato la mid ah kala kulantay Khartoum. "Biyo la'aan, hoy la'aan, iyo xawaalad la'aan," ayay kusoo koobtey.

Caasha Cali Cabdi oo ah hooyo ilmo haysata oo ka soo qaxday magaalada Khartoum ayaa sheegtay in ay qol oo goglan balse aan lahayn biyo, koronto iyo madbakh looga kireyn gaarey aduun lacag dhan 30 doolar maalintii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM