Kororka weerarada Al-Shabaab ee bisha Ramadan: Dayac mise fashil sirdoon?

Image
Waa weerarkii todobaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil maxali ah ayaa sheegay in dagaal culus uu ka dhacay duleedka magaalada Xarardheere, kaasoo ka dhashay khasaare soo gaaray Al-Shabaab, iyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah, gelinkii dambe ee Talaadadii.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilaawday kadib markii Ciidamo roondo ku jiray ay isku dhaceen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Bacaadka oo ku dhow Xarardheere.

Magaalada waxaa dib looga qabsaday al-Shabaab horraantii sannadkii hore.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee shalay weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxay noqonaysaa ugu yaraan markii saddexaad oo dagaalyahannada al-Shabaab ay weerar ku qaadaan tuulada tan iyo sannadkii hore.

Waa weerarkii todobaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kooxda ayaa horey u weerartay Busley, Sanguni, Xinlab, SYL hotel iyo Daaru-Nimca oo ah midkan ugu dambeeyay.

Khuburada dhanka ammaanka ayaa iswaydiinaya haddii kororka weerarada Al-Shabaab ay ka dhasheen fashil dhanka sirdoonka ama dayac ay laamaha ammaanka muujiyeen, waxayna ku baaqeen isbedel degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM