Lix qodob uu Xasan Sheekh ka sheegay shirka jaraa’id ee Villa Soomaaliya

Image
Hadal-jeedintan ayaa daba socotay meelmarinta Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee heshiiska Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay khudbad dheer kadib ansixinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Turkiga.

Faalladan waxa ay soo koobaysaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee hadal-jeedintan daba socotay meelmarinta Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka federaalka.

⁃ "Turkigu waxa uu Soomaaliya ka caawin jiray taageero bini'aadantinimo; booqashadii Erdogan ee Agoosto 2011 waxay ahayd waxay wax ka badashay la dagaallanka macluusha"

⁃ "Turkigu wuxuu ahaa dalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya si toos ah u taageera dhanka miisaaniyada"

⁃ "Turkiga waxa uu Soomaaliya ka hirgaliyay xaruntii ugu weyneed ee lagu tababaro ciidamada Soomaaliya si ay ula dagaalamaan argagixisada"

⁃ "Heshiiskan cusub ayaa quseeya difaaca badda iyo iskaashiga dhaqaalaha mana ahan Heshiis aan ka dhan ahayn Itoobiya"

⁃ "Soomaaliya ma rabto in ay la dagaalanto dal kale. Soomaaliya ma rabto in ay aragto dalal shisheeye oo dhulkeeda ku dagaallamaya"

- "Heshiisku wuxuu la dagaallami doonaa budhcad-badeedda, argagixisada, kalluumaysiga sharci-darrada ah, daroogada iyo hawlaha sharci-darrada ah ee badda"


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM