Marxalada kala guurka Galmudug: QoorQoor v Qalinka Villa Soomaaliya

Image
Saddex dhinac ayaa la filayaa in ay jaangooyaan codka mudaneyaasha baarlamaanka maamulka.

DHUUSOMAREEB, Galmudug – Galmudug ayaa waxay foollaneysa mar-xalad kala guur ah marka la gaaro bisha Febraayo ee sanadkan 2024. Heer-kulka siyaasadda ayaa cirka isku-tolay kahor taariikhda loo madlan yahay coddeynta.

Inkasta oo haatan ay wax walba ka soconayaan daaha gedaashiisa iyo hadalo duur-xul-ah oo warbaahinta bulshadda la isku-marinayo, haddana waxaa loo badinayaa in ay si rasmi ah usoo ban-bixi doonan bilaha soo aadan.

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye oo loo garan-og-yahay QoorQoor ayaa wajahaya mucaaradid aad uga culus markii uu xilka ku fariisanayay oo uu kala shaqeeyay maamulkii waqtigaas jiray kaasoo uu ka tirsanaa Golahiisa Wasiiradda.

Isla xubno kamid ah nidaamka haatan haya talada dalka ayaa si weyn u doonaya jagaddan. Hase ahaatee, warar xog-ogaal ah waxa ay muujinayaan in Madaxtooyadda Soomaaliya aysan wali si rasmi ah u ogaansan cidda ay u dhiseyso kursigan.

Sheekh Axmed Shaakir, hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca oo madaxa xukuumadda kasoo noqdey Galmudug kahor doorashaddii uu kusoo baxay QoorQoor, ayaa dhowaan kasoo muuqdey Telefishinka ku hadla afka dowladda.

Inkasta oo Shaakir wareysi uu siiyay SNTV uu uga faalloodey aragtidiisa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dadka la socda arrimaha Galmudug ayaa rumeysan in wadaad diimeedkan ay casuumeen kooxaha daneynaya kursiga Galmudug.

Gulufka ka dhanka ah kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa waxa uu ku banjaray degaanada Galmudug. Al-Shabaab waxay labo casho kahor si lama filaan ah ula wareegtay saddex degmo waaweyn oo ay kamid tahay Bacaadweyn.

QoorQoor ayaa bilowgii howlgalka waxa uu degaanka Laas-gacamey uga badbaadey weerar loo adeegsadey baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Falkaas waxa uu dhaliyey tuhun iyo waydiimo aan wali loo helin jawaabo.

Wallow ay jiraan digniino dhanka ammaanka ah, madaxwayne Qoorqoor ayaa lagu waramay inuu kalkan go’aansadey ku laabashada furimaha dagaalka si uu mar kale liijaanka ugu qabto dagaalka looga soo horjeeda Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, doorashadda federaalka iyo qalinka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la filayaa inuu noqon doono mawduuca ugu weyn ee jiheyn doona xubnaha cod-bixiyeyaasha Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM