Qorshaha Xasan ee furida Dastuurka: Xukun doon mise Xaalad abuur?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Madaxtooyadda Soomaaliya ee wax ka badalka dastuurka.

Shariif ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in qorshaha uu horseedayo kala qeybsnaan bulsho, khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

"Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra'yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin," ayuu tibaaxay.

Wiiqida hannaanka Federaalka

Farmaajo ayaa dhankiisa waxa uu hoosta ka xariiqay in damaca madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay "mid wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay".

"Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay," ayuu yiri

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Shariif ayaa waxa uu ku waaniyay hogaanka dowladda federaalka ah in ay qaadaan talaabooyin la jaan-qaadaya isbadaladda ka soconaya gobolka Geeska Afrika. 

"Sidoo kale, Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo badqabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn, sidi aan horey u ballan qaadnay waxaan diyaar u nahay inaan dowladda kala shaqayno difaaca dalka," ayuu ka shanqariyay.

Iska-xaabinta damaca Itoobiya

Dhanka kale, Farmaajo ayaa waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda ku booriyay in ay diiradda saaraan iska-xaabinta damaca Itoobiya.

"Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna," ayuu kusoo xiray.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay hogaankii hore ee dalka ayaa waxa ay imaanaysaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Villa Soomaaliya ay ku dadaaleyso meelmarinta habraaca lagu muransan yahay ee dastuurka waddanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM