Sanadkii Burcad-badeedda Soomaaliya ay "baaday" $18 bilyan

Image
Balse, waxaa muuqanaysa in khatartaas ay soo cusboonaaneyso sanadkan 2023.

MUQDISHO, Soomaaliya - Burcad-badeedda Soomaalida ayaa khatar weyn ku ahaa gobolka iyo dhaqaalaha adduunka waxayna gaareen heerkii ugu sarreeyay sannadka markii uu ahaa 2011-kii.

Sanadkaas oo kaliya, burcad-badeedda Soomaalida ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen 212 weerar aad u xooggan, oo aduunka uu ku waayay in ka badan 18 bilyan doolarka Mareykanka.

Markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran, laguna magacaabo Almeraj 1, ayaa la sheegay in burcadbadeed Soomaali ah ay afduubteen bishii November ee sanadkaas.

Sida ay sheegtay warbaahinta, burcadbadeeda ayaa dalbaday lacag dhan $400,000 oo madaxfurasho ah, waxayna ku hanjabeen inay markabka Iran u adeegsan doonaan afduubyo kale haddii aan lacagta la bixin.

Labo maalmood ka dib, burcad-badeed kale oo Soomaali ah ayaa waxay afduubteen markab booyad ah kaasoo marayay beerta Central, oo ka baxsan xeebaha Yemen.

Markabka ayaa soo diray fariin murugo leh intii uu weerarka socday. Ciidamo ka tirsan markab dagaal oo Mareykan ah oo halkaasi ku dhowaa ayaa gacanta ku dhigay burcadbadeedda xilli ay doonayeen in ay ku baxsadaan doon yar.

Labada weerar kale ayaa horseeday in dowladda Soomaaliya ay dalbato taageero caalami ah si loo baajiyo dib u soo cusboonaada burcad badeedda Geeska Afrika.

Cabsi taas la mid ah oo laga qabo in budhcad-badeedda Soomaalida ay dib u soo cusboonaatay ayaa soo shaac baxday kaddib shan weerar oo hore oo dhacay 2017, 2018, 2019 iyo 2020.

Balse, waxaa muuqanaysa in khatartaas ay soo cusboonaaneyso sanadkan 2023 wallow khuburada ay sheegayaan in aysan halistu haatan gaarsiisaneyn intii horey loosoo arkay.

Halistan ayaa kusoo aadaysa xilli dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika laga qaadey xayiraadda hubka taasoo laga cabsi qabay in ay horseedi karto in dalka ay soo galaan hub aysan xukumin dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM