Sanadkii ay Itoobiya ku biirtay liiska wadamadda aan badda lahayn

Image
Tan iyo waaggaas, Addis Ababa ayaa xusul-duub ugu jirtay in ay soo gabagabeyso abaartaan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali ayaa sannadkii hore waxa uu helitaanka badda ama dekad uu dalkiisa maamulo ku tilmaamay "hadafka ugu sarreeya ee xukuumadiisa Barwaaqo".

Itoobiya waxay lumisay dekedeeda markii ay Eritrea goosatay horaantii sagaashamaadkii. Itoobiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof, waa dalka ugu dadka badan adduunka oo aan bad lahayn.

Hadalka Abiy oo dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay qaadaadhigeysay warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in Itoobiya ay isku daydo inay xoog ku gaarto hadafkeeda.

Heshiiska ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ayaa Abiy wuxuu ku ku tilmaantay mid taariikhi ah, waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ujeeddadiisu tahay mid nabadeed.

"Mawqifka ay dowladdu ku dhawaaqday wuxuu si xooggan u salka ku hayaa rabitaan ah in aan cidna dagaal lala gelin," ayuu yiri xafiiska warfaafinta ee Itoobiya.

Laakiin isaga oo tixraacaya muranka, Mr Abiy wuxuu sheegay Axadii in "haddii aan fileyno inay arrimuhu u dhacaan siyaalo aan u barannay ama ogaanayno ama saadaalin karno, [fursadaha] ayaa laga yaabaa inay naga gudbaan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abiy ayaa waxa uu intaa ku daray in mararka qaarkood "waxyabo ka baxsan sanduuqa" ay u baahan tahay fikirka dheeraad ah si loo gaaro yoolalka.

Iyadda oo xiisaddan iyo hanjabaadahan jiraan ayaa 1-dii Janaayo, 2024 waxa ay Itoobiya heshiis ay ku helayso saldhig ciidan iyo dekad la gashay Somaliland, maamul ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya.

Tani ayaa kicisay xiisad diblumaasiyadeed oo caalami ah taasoo ku qasabtay Muqdisho in ay u yeerato safiirkeeda Addis Ababa ayna ceyriso danjirihii Itoobiya u fadhiyay magaalada Muqdisho, Mukhtaar Waare.

Sikastaba ha ahaatee, lama saadaalin karo meesha uu kusoo dhamaan doono murankan iyadda oo warar soo baxaya ay sheegayaan in suurtagal ay tahay wadahadalo taasoo Muqdisho ay horey uga goos-qabsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM