Sidda Reer Galbeedka ay wax uga qoraan qaaradda Afrika

Image
Maqaalkan ayaa faalleynaya sidda ay qoreyaasha cadaanka uga faaloodaan qaaradda.

LONDON, UK - Marka aad Afrika wax ka qoraysid cinwaankaaga ka dhig ereyga 'Afrika' ama 'Mugdi' ama 'duurjoog'. Qoraal-hoosaadyo ayaa laga yaabaa in aad u baahatid, ka dhig Masaay, Durbaan, 'Qorrax' ‘duurjoog’ Waxaa kale oo muhiim ah ereyada ay ka midka yihiin daanyeer, Qabiil’. Ogow ‘Dadka’ waxaa loola jeedaa Afrikaan mad-madow.

Buuggaaga ama qormadaada ka ilaali sawir qof Afrikaan ah oo si wanaagsan u labisan ama qurux ka muuqato, ku dadaal sawiro Afrikaan duruuf ba’an ka muuqato. Hadiiba aad ku khasbaan tahay in aad sawir qof Afrikaan qurxan soo qaadatid ha ahaado mid caan ah oo abaalmarin caalami ah ku guulaysatay sida Nobel Prize, Balse Afrikaanka kale marwalba sawir qaab-daran ka soo qaado. Sawirada waxaad soo qaadataa qof Afrikan ah oo feero qaawan, Qoriga AK-47 u suranyahay. Sawirada noocaas ah mar walba isticmaal.

Qoraalkaaga, ka dhig Afrika sidii inay tahay hal waddan. Waa kulushahay oo waa meel boor badan, dhul daaqsimeed iyo xoolo aad u badan joogaan dad dhaadheer oo caato ah oo gaajaysan baa laga helaa. Ama waa meel kulul uumi ka baxayo kulayl dartii dad aad u gaagaaban oo cuna cayayaanka ay ku noolyihiin.  

Afrika waa qaarad weyn: konton iyo afar waddan, 900 milyan dad gaara ayaa ku nool balse waxay aad ugu mashquulsan yihiin gaajo, dhimasho iyo dagaal iyo tahriib inay akhriyaan buuggaaga wakhti umahayaan. Sidaa awgeed akhristahaagu waa reer galbeed. Qaarada waxaa ka buuxa saxare, kaymo, dhul sare, iyo waxyaabo kale oo badan oo wanaagsan, laakiin akhristahaagu ma danaynayo waxaas oo dhan, marka iska daa.

Dadka u sheeg in ay Afririkaanku jecelyihiin muusiga, oo ay leeyihiin ciyaar dhaqameedyo. Sidoo kale usheeg akristahaaga in Afrikaanku cunaan wax yaabo aanay bini'aadamku cunin. Yaan lagaa maqal bariiska, hilibka iyo sarreen bay Afrikaanku cunaan; waxaad sheegtaa in ay cunaan daanyeerka-madaxiisa, waa cunnooyinka Afrikaanka waxaa kaloo ay cunaan maska, gooryaanka, cayayaanka  iyo hilib ugaareedka oo dhan. Dadka waxaad u sheegtaa in aad Afrikaanka cuntooyinkooda lalabada ah dhadhmisay oo aad isku dayday jacayl aad Africa u qabtid daraadee!

Mawduucyada ceebta kugu ah in aad soo hadal qaado waxaa ka mid ah: muuqaallada wanaasgan ee muujinaya qaab nololeedka wanaagsan ee dadka Africa, jacaylka u dhexeeya Afrikaanka, ha tixraacin qoraayaasha Afrikaanka ah ama indheer garadka marnaba ha xusin. Ha ka hadlin caruurta iskoolada sida quruxda badan u aada oo caafimadka qaba. Kaliya waxaad ka soo hadashaa carruurta daacuunka ku dhacay,  ama qaba Ebola ama kuwa u dhiban arimaha gudniinka.

Afrikaanka aad buuggaag uga hadlaysid ha ahaadaan dagaalyahano qaawan, adoon, sixiroolayaal iyo ninman xaasas badan. Afrikaanka reermagaalka ah waxaad ka dhigtaa nin buuran oo tuug ah oo ka shaqeeya xafiiska fiisaha, ka dhig nin xun oo diida inuu siiyo ogolaanshaha shaqada dadka reer galbeedka ee daneeya Afrika. Ninkaas waa cadowga horumarka, wuxuuna mar walba adeegsadaa awooda dowladdiisa. Ama waa aqoonyahan wax ku bartay Oxford oo isu rogay siyaasi dilaa ah oo xidhan suud, hooyadiina waa saaxirad qani ah oo ah sixiroole dalka maamula.

Waa in aad buuggaag ku dartaa Afrikaan baahan oo macaluul iyo gaajo u dhimanaya, Afrikaan wareegaya xerada qaxootiga isagoo qaawan, oo sugaya mucaawinaadka reer Galbeed. Caruurta waxay baalasha indhaha ku leeyhiih daaf, duqsibaa ka saran calooshuna waa eber. Waa inay u ekaadaan kuwo aad u liita oo aana wax taariikh ah lahayn. Waxaad sheegtaa in uu dadkaan afrikaanka ah soo booqday halyeey reer galbeed ah oo wax baraya, u qubaynaya cunto siinaya.

Marnaba haka dhigin dadka Afrikaanka ah oo sheekada ku qoran kuwo faraxsan oo ku dadaalaya in ay caruurtooda wax baraan, ha muujin sidii in ay u noolyihiin bini’aadamka kale.

Xusuusnow, buugg kasta oo aad soo gudbiso oo ay dadka ka muuqda yihiin kuwo wasakh ah murugana  ka muuqato waxaa loogu yeeri doonaa 'Afrika dhabta ah', waxaadna dooneysaa taas . Ha ka welwelin arrintan: waayo waxaad ku dadaalaysaa inaad ka caawiso inay gargaar helaan.

Kaliya waxaa dhib ah in aad buuggaaga ku soo dartid, dad Reer Galbeed ah oo dhiban ama muuqaal xun aad ka gudbisid, balse Afrikaan ka waa caadi muuji.

Afrika iyo qoraxda - Gabbal dhaca Afrika waa waajib in aad ka hadashid. Had iyo jeer qoraxdu way weyn tahay oo waa casaan. Afrika waa dhul balaaran oo banaan. Markaad wax ka qorayso dhibaatooyin badan sheeg. Afrika waa dad aad u tiro badan. Markaad qof Africaan ah ka hadlaysid waa caadi in la sheego in Aids qabaan oo dagaal xaalufiyay. Ku dhamee buuggaaga kalamad aad ka soo qaadatay Nelson Mandela. Sababtoo ah waxaad jeceshahay Afrika!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM