Soomaaliya furin dagaal ma noqon kartaa Itoobiya iyo Masar?

Image
Masar ayaa balanqaadey in ay difaaceyso Soomaaliya, halka Itoobiya ay si adag uga falcelisay mowqifkaas.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Siisi, ayaa sheegay in ay Soomaaliya codsatay faragaliyo si loo difaaco madax banaanida, taasna ay Xukuumadda Qaahir ka shaqeynayso.

Itoobiya ayuu ku waaniyay in aysan isku dayin faragalinta madax banaanida Dhuleed iyo Midnimada Soomaaliya, taas oo uu xusay sababi karta in ay Qaahir awoodeeda fagaaraha keento.

“Xeerka Jaamacadda Carabta wuxuu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay khatar jiritaan soo food-saarto, sidaa awgeed Dawladda Masar ma aqbalayso in la faragaliyo laguna soo xadgudbo Midnimada iyo Amniga Soomaaliya," ayuu yiri.

Masar iyo Itoobiya: Cadow soo jireen ah

Al-Siisi ayaa hadalkan waxa uu ka shan-qariyay isaga oo uu garab-taagan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo aan diidin ama xaqiijin inuu dalbaday faragelin.

Masar iyo Itoobiya ayaa loo arkaa in ay yihiin cadow uu ka dhaxeeyo loolan arrimaha ku saabsan Biyaha wabiga Niilka, oo Addis Ababa ay buuxisay iyadoo ay Qaahira hanjabaado wado.

Lataliyaha ammaanka qaranka ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo si aan toos ahayn uga jawaabay hadalka Al-Siisi ayaa waxa uu ku tilmaamay "mid aanna u adeegeyn amniga iyo xasiloonida Soomaaliya".

"Cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaa"

"Xiriirka ka dhaxeeya [Soomaaliya iyo Itoobiya] wuu sii xoogaysanayaa. Masiirkeenu waa mid isku xiran oo aan la kala maarmin. Heshiiskii is-afgaradka ee Somaliland aan la saxiixanay waa heshiis iskaashi & wax-wada-qabsi oo Itoobiya u sahlaya inay hesho badda marka loo eego dhinaca ganacsiga. Ma aha is-balaarin ama kutumashada madax-bannaanida dhulka dawlad kasta," ayuu yiri.

Ridwan Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in dhawaqa kasoo yeeray Masar uusan ahayn "taageero ay u hayso Soomaaliya balse ay gadaal ka riixeyso cadaawada kala dhaxeysa Itoobiya".

"Iyadoo xaqiiqadu sidaas tahay ayaa haddana dalal qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taagerin intii ay jirtay baahi weyn ayaa isku dayaya inay isu muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah. Laakin waxaa cad in waxa ku kalifay in aysan ahayn Soomaaliya balse tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya," ayuu tibaaxay.

Soomaaliya: Furin dagaal mise bugcad nabad?

Hase ahaatee, ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad oo u muuqda mid ka falcelinaya hadalka Ridwan ayaa meesha ka saarey in Soomaaliya iyo Masar ay cid khatar ku yihiin.

"Wadashaqeynta walaaltinimo ee aan la leenahay Masar waa astaan ​​lagu garto xiriirka dibadda, oo aan khatar ku ahayn dadka kale. Isku-xirnaantan waxa uu ahaa mid xoogan labada dhinac, gaar ahaan wakhtiyada adag," ayuu ku qoray X (Twitter).

Sikastaba ha ahaatee, waxaa si weyn isha loogu haya bar-dhamaadka qoryo-gurashada ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya; ma in ay noqoto furin ay ku dagaalamaan Masar iyo Itoobya mise bogcad nabadeed?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Labada aragti ee ku loollamaysa miiska shirka golaha wadatashiga

Natiijada kasoo baxda kulankan ayaa waxa ay wax ka badali doontaa jihada siyaasadeed ee uu dalka aadi doono.

  • Maqaalo

    15-05-2024

  • 02:02AM

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM