Weerarka xerada General Gordan: Fashil sirdoon mise dayac amni?

Image
Saldhigan ayaa kamid ah goobaha sidda weyn ammaankooda loo ilaaliyo ee ajaaniibta ka joogaan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Su'aallo badan oo wali aan laga jawaabin ayaa kasoo laabtey toogashaddii habeenimadii Axada 10 Febraayo, 2024 ka dhacdey xerada Jeneraal Gordan ee magaaladda Muqdisho.

Askari horey uga soo goostay Al-Shabaab ayaa ku dhowaad lix qof ku dhex-dilay gudaha saldhigan oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku tababarto cutubyo kumaandoos ah oo kamid ah milatariga Soomaaliya.

Dadka geeriyoodey ayaa waxaa kamid ah afar sarkaal u dhalatay Imaaraadka iyo askari kasoo jeeda Baxreyn. Tirada dhimashadda iyo dhaawaca ayaa la sheegayaa in ay intaas ka badan tahay.

Mala fududeeyay weerarka?

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag u cambaareeyay falkan ayaa ku tilmaamay "weerar argagixiso" waxaana uu ku amray laamaha ammaanka in ay baaraan ayna la xisaabtamaan ciddii fududeysay.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa qaatay mas'uuliyadda weerarkan, waxaana askariga toogashada geystay oo magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed ay ku tilmaameen "dagaalame ayaga ka tirsanaa".

Dadka ka faallooda arrimaha ammaanka ayaa tuhunsan in weerarkan uu yahay shirqool la fududeeyay waxaana ay soo jeediyeen in isbedel lagu sameeyay hay'adaha nabad-gelyadda "si aysan u imaan wax ka xun".

Fashil sirdoon mise dayac?

Dadka aragtidaas fashilka sirdoon qaba waxaa kamid ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaake, oo afkaartiisa ku muujiyay qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa barta X (Twitter).

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan dadkii ku dhintay toogashadii naxdinta lahayd ee xalay ka dhacday xerada Gen Gorod. Ku dhex-milanka AS ee saldhigan ayaa laga yaabaa inuu ka qoto dheer tahay waxa ishu arki karto. Dib-u-eegis lagu sameeyo waaxdayada amniga ayaa laga yaabaa in loo baahdo," ayuu tibaaxay.

Lataliyihii hore ee amniga qaranka iyo wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa waxa uu ka digay in weerarkan uu dhiig cusub ku shubo aragtida "in shisheeye kusoo duulay dalka".

'Shisheeyaha soo duulay'

"Weerarkii shalay AS ay ku qaadeen Saldhiga Milatari ee Imaaraadka (Gordon) ee Muqdisho ayaa faa’ido u ah aragtida ah in Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye, gaar ahaan 'shisheeyaha soo duulay' taasoo kordhineysa xubnaha iyo dakhliga AS," ayuu tibaaxay.

Korneyl Maxamed Mubaarak oo ahaa madaxa howlgalka amni ee Imaaraadka kawado Soomaaliya iyo Yemen ayaa kamid ah saraakiisha uu galaaftay weerarkan kuwaas oo meydkooda shalay la geeyay dalalkooda.

Sikastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa waxaa si weyn loo dhowrayaa waxa uu ka badali karo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka maadaama xubno la laayay ay laf-dhabar u ahaayeen xukuumadda Abu Dhabi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM