Xasan Maxamed: Waa kuma askariga geystay weerarkii General Gordan?

Image
Warbixinada qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in askarigan uu 2021-kii ka yimid dhanka kooxaha argagixiso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari kamid ahaa ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inuu yahay shaqsiga geystay weerarkii saraakiisha Imaaraadka Carabta lagu laayay ee ka dhacay xerada General Gordan.

Hase ahaatee, illaa haatan waxaa warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan maagciisa iyo shaqsiga ku qoran damaanadiisa kaasoo mas'uulka ka ahaa inuu kamid noqdey cutubyadda loo tababarayo xoogga dalka,

Balse, warka la isku-waafaqay ayaa waxa uu yahay inuu 2021-kii kasoo goostay dagaalameyaasha Al-Shabaab, oo ah kooxda waqti-xaadirkan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan saacadihii lasoo dhaafay qabsadey warbaahinta.

Warbixinadda qaarkood ayaa waxa ay maagciisa kusoo koobayaan Cabdi isla markaana uu kasoo jeedo gobolada Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Baay oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Hase ahaatee, macluumaad kale oo xooggan waxa ay sheegayaan inuu magaciisu yahay Xasan Maxamed isla markaana uu damaanadiisu ku qornaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Jaamac.

Tafaasiil kale waxa ay muujinaysaa in damaanadda askarigan uu ku qoran yahay Xildhibaan Cabdulqadir Cumar Macalin oo ka tirsanaa mudaneyaasha dhanka NISA ka soo galay baarlamaanka.

Madaxii howlgalka amni ee Imaaraadka Carabta u qaabilsanaa Soomaaliya, Mohamed Mubarak Al Mazrouei, ayaa kamid noqdey tobanaan kale oo lagu dilay weerarkii shalay ee xerada ciidan ee General Gordan.

Wasaaradda Gaashaandhiga Imaaraadka ayaa xaqiijisay in falkan looga laayay saddex sarkaal iyo mid kale oo u dhashay Baxreyn. Hase ahaatee, masoo hadal-qaadin tiradda kale ee dhaawacantay kuwaasoo tobanaan kale ah.

Al Mazrouei oo muddo dheer kamid ahaa mukhaabaraadka Imaaraadka ayaa waxa uu ku magacaaban yahay Lataliye Sarre oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca UAE. Hase ahaatee, waxa uu sidoo kale qabtaa howlo kale qarsoodi ah.

Sidda ay xaqiijinayaan dadka sida aadka ah u yaqaano, Al Mazrouei ayaa sidoo kale waxa uu maamulayay mashruuca ciidamadda calooshood-u-shaqeysteyaasha ee Imaaraadka uu ka hirgeliyay gudaha waddanka Yemen.

"Dilka Al Mazrouei ee ka dhacay Soomaaliya ma ahan. Balse, waxa ay dalka ku furi kartaa albaabo kale oo jaxiimo ah siyaasadeed. Loolanka juquraafi siyaasadeed ayay kamid tahay," ayuu yiri Cali Axmed Nuur oo ah falanqeeye.

Toogashada Al Mazrouei ayaa dad badan dib u xasuusinaysa dilkii madixii shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ee Puntland u qaabilsanaa, Paul Anthony Farmosa kaasoo gudaha dekedda Boosaaso ka dhacay February 4, 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tuhunka ku gedaaman heshiiska garsoorka ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

Tan iyo markii uu dhacay shilkaas, maamulka Xasan Sheekh waxa uu Turkiga siiyay heshiisyo waaweyn.

  • Maqaalo

    03-05-2024

  • 03:41AM

Saddex faa'iido uu Turkiga ka helayo heshiiska milatari ee Soomaaliya

Machadka Daraasaadka Siyaasadda Emirates Policy Center ayaa maqaal dheer ka daabacay heshiiskan.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 02:26PM