Xiisada Itoobiya: Shan talaabo oo Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay

Image
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inuu ka gaabiyey kaalintiisa la xisaabtanka xukuumadda.

MUQDISHO, Soomaaliya — Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa uu soo bandhigay shan talaabo oo ay ahayd in Dowladda Soomaaliya qaado kadib dagaalka diblumaasiyadeed ay la gashay Itoobiya.

Talaabooyinkan ayaa kala ah;

1- In aan safiirkeena soo ceshano, billawgii waan samaynay, laakiin dib ayaa loo celiyey, sababta lama caddayn.

2 In safiirka Itoobiya dalkiisa loo diro, laakiin isagoo qaranka Soomaaliyeed aflagaadeeyey ayuu weli dalkeena safiir ka yahay.

3- In madaxda dawladda aysan Addis Ababa tegin, inta xal laga gaarayo xadgudubka Itoobiya, laakiin Madaxweynihii ayaa u socda, isagoo ku doodday in shirar muhiim ah oo ay madax badan isku imaanayso ka dhacayo. Waa sax, laakiin sow wasiirka arrimaha dibadda ama Raysalwasaare ku xigeenka kuma filna in ay dooddeena jeediyaan, ileyn shirku waa maalin ama laba. Mise cid aan Madaxweynaha ahayn kaalintaas ma buuxin karto? Waxaa xilliyadan oo kale laga dhowrsadaa in dawladdii dalkaada ku xadgudubtay ay markale fal bahdilid ah kugula kacdo, Abiy Axmadna waa nin ay ka suurowdo.

4- In la magacaabo wasiir arrimo dibadeed oo hawl-kar ah, sax maaha in aan dagaal diblomaasiyadeed ku jirno, dalkuna labo bil iyo bar wasiir arrimo dibadeed lahayn.

5- In Shacabka gudaha dalka iyo dibada la abaabulo, gaar ahaan kuwa qurbaha oo dalalka ay muwaadiniinta ka yihiin ka loobigareeyaan. Weli ma dhicin

"Nasiib-darro, Xukuumad gaabiska lagala xisaabtami lahaa lama hayo, Baarlamaankuna Madaxweynaha lama xisaabtamo, inkasta oo xaalka Golaha Shacabku yahay ninka wayn ayaan iska celinayaa ee shacabow ka yar iga dhacsha oo ay dastuur bedel ku mashquulsanyahay,” ayuu raaciyay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo 1-dii Janaayo 2024 markaas oo Addis Ababa ay heshiis beenaad la gashay Somaliland taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM