Xiriirka ka dhaxeeyo heshiiska xeryaha ciidan iyo soo saarista shidaalka

Image
Maamuladda laga hirgelinayo saldhigyaddan ayaa kamid ah goobaha laga soo saarayo batroolka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in dabayaaqada sanadkan 2024-ka ay bilaabayso soo saarista shidaalkii ugu horeeyay ee taariikhda.

Shidaalkan ayaa, sidda ay xogta tilmaameyso, waxaa laga soo saarayaa todobada baloog ee ku teedsan xeebaha Galmudug (3 baloog), Koonfur Galbeed (2 baloog) iyo Jubaland (2 baloog).

Wasiirka batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka BBC Soomaali ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in go'aankan uu yahay mid kama dambeys ah.

Bishii Oktoobar, 2022, Dowladda Soomaaliya waxay heshiis sahaminta batroolka ah la saxiixatay Shirkadda Sahanka Xeebta fadhigeedu yahay waddanka Maraykanka.

Shirkaddan oo lagu magacaabo Costline ayaa waxaa qandaraas lagu siiyay in ay soo saarto shidaalkan oo si gaar ah looga sheegay todobo baloog oo dhaca maamuladda kor ku xusan.

Shaacinta wasiir Cabdirisaaq ayaa waxa ay kusoo hagaagtay maalin kadib markii Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay kala saxiixdeen is-afgarad kaasoo lagu dhisayo shan saldhig dheeraad ah.

Xerooyinkan ciidan ayaa waxaa laga dhisayaa magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Dhuusomareeb iyo Jowhar, waana nawaaxiga ama aagaga degaanadda laga soo wariyay shidaalka.

Sidoo kale, xukuumadda Washington ayaa waxa ay ka dhawaajisay in bilaha soo aadan ay tiradda ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Danab ay gaarsiin doonto 3,000 (saddex kun oo askari).

Ma cadda in ciidamaddan loo diyaarinayo in ay noqdaan kuwa sugi doono ammaanka goobaha laga soo saarayo shidaalka ama in ay ka qeybgalayaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa safka hore wuxuu uga jiray dowladaha aadka u raadinayay in ay gacanta koowaad ku yeeshaan mashruuca batroolka Soomaaliya taasoo hadda rumowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: In ka badan 500 qof oo la dilay tan iyo bilowgii xiisada Dastuurka

Dhimashadan ayaa badankeeda waxa ay ka dhalatay weerar gaadmo ah oo ay fulisay kooxda AS.

  • Maqaalo

    27-04-2024

  • 04:47AM

Chinua Achebe: Qoraagii aduun $1 milyan ka diidey fanaan caan ah

Mukafirkan ayaa sanadkii 2013 ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka ka dib markii uu muddo xanuunsanaa.

  • Maqaalo

    23-04-2024

  • 05:30AM