John Bolton oo ka fal-celiyey xilka ka qaadista Donald Trump

Image

WASHINGTON, US – Lataliyihii amniga ee Mareykanka kaasi oo uu Donald Trumop shaaciyey in uu eryay ayaa wuxuu ka falceliyay go’aanka madaxweynaha.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu codsadey is-casilaad balse uu dalab kaga yimid Trump.

"Habeen hore ayaan ka codsadey in aan is-caslio; madaxweyne Trump ayaana igu yiri "Aan wada hadalno berrito," ayuu soo daabacay John Bolton.

Bolton ayaa wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta ugu maqaamka sareysay Mareykanka, kuwaasi oo xilal kala duwan soo qabtay dowladihii ugu dambeeyay.

Haatan waxa uu si rasmi ah ugu biirayaa liiska siyaasiyiinta ay aragtida isku qabteen kadibna isaga baxay maamulka uu majaraha u hayo Trump.

Tani ayaa waxay xoojineysaa warar soo baxayey oo tibaaxaya in Wasiirada xukuumada Washington ay isku khilaafeen baajinta Trump ee kulankii madaxda Taliban.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in uu hakiyey wada hadaladii uu kula jiray ururkaasi, kaasi oo soo socdey bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM