John Bolton oo ka fal-celiyey xilka ka qaadista Donald Trump

Image

WASHINGTON, US – Lataliyihii amniga ee Mareykanka kaasi oo uu Donald Trumop shaaciyey in uu eryay ayaa wuxuu ka falceliyay go’aanka madaxweynaha.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu codsadey is-casilaad balse uu dalab kaga yimid Trump.

"Habeen hore ayaan ka codsadey in aan is-caslio; madaxweyne Trump ayaana igu yiri "Aan wada hadalno berrito," ayuu soo daabacay John Bolton.

Bolton ayaa wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta ugu maqaamka sareysay Mareykanka, kuwaasi oo xilal kala duwan soo qabtay dowladihii ugu dambeeyay.

Haatan waxa uu si rasmi ah ugu biirayaa liiska siyaasiyiinta ay aragtida isku qabteen kadibna isaga baxay maamulka uu majaraha u hayo Trump.

Tani ayaa waxay xoojineysaa warar soo baxayey oo tibaaxaya in Wasiirada xukuumada Washington ay isku khilaafeen baajinta Trump ee kulankii madaxda Taliban.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in uu hakiyey wada hadaladii uu kula jiray ururkaasi, kaasi oo soo socdey bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM