Wax ka baro taariikhda ragga ugu cad-cad in ay bedelaan Baqdaadi

Image

BAQDAAD, Ciraaq – Mareykanka ayaa si rasmi ah ku dhawaaqay in uu dhintay hogaamiyihii Daacish, Abuubabar Al-Baqdaadi, wallow dunida ku kala qeyb-santay.

Sidoo kale Washington ayaa weerar dhanka cirka ah ku khaarijisay Abu Hassan al-Muhajir, oo ahaa afhayeenkii kooxda la magac baxday dowlada Islaamka.

Al-Muhajir, oo xilka loo magacaabay sanadkii 2016-kii, ayaa lagu sheegay in uu horjoogihii ugu cad-cadaa in uu bedelo aas-aasihii kooxdaas argagixisada ah.

Dilka labadan sarkaal ayaa la sheegay in ay dharbaaxo ku noqon doonto howlgalada waaweyn oo ay kooxda fuliso.

Dadka qaarkii waxay rumeysan yihiin in ay adkaan doonto in kooxdu hesho bedel wanaagsan, wallow kuwa kale ay naqdiyeen.

Xeel-dheereyaasha u duul-daloola arrimaha ISIL ayaa soo bandhigay labadda qof oo ay sheegeen in ay noqon karaan bedelka Baqdaadi.

Abu Othman al-Tunsi iyo Abu Saleh al-Juzrawi oo loo yaqaano Xaaji Cabdullaahi ayaa lagu sheegay murashaxiinta ugu dhow in ay xilka qabtaan.

Al-Tunsi oo kasoo jeeda waddanka Tunisia ayaa waxaa uu haatan yahay Madaxa Golaha Shuurada oo ah xubin sharcidejin.

Shaqsiga labaad oo u dhashay Sacuudi Carabiya ayaa hogaamiya ay wax ay ugu yeeraa Guddiga Wafuuda oo ah Laanta Fulinta.

Xaaji Cabdullaahi ayaa si gaar ah farta loogu fiiqayaa in uu yahay ninka aadka loogu saadaalinayo in uu noqon doono Amiirka xiga ee ISIL.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa aad isha loogu hayaa falcelinta ay Daacish ka sameyso dhimashada Baqdadaadi iyo qaabka ay u maareyso bedelkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM