Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Image
Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

BERLIN, Germany - Mas'uuliyiinta Jarmalka ayaa la kulmay dhaleeceyn culus tan iyo markii muuqaal faafay uu muujiyay cunug soo galooti Muslim ah oo si xoog ah looga kaxeynayo qoyskiisa magaaladda Bremerhaven.

Muuqaalkan ayaa sidoo kale waxa uu muujiyey canugga yar oo oynaya isla markaana iskuna dayaya inuu iska caabiyo askarta. Hase ahaatee, waxa uu ku guuldareysanayaa in uu iska fujiyo.

Xubnaha qoyska ayaa la arkayay iyagoo ku qeylinaya askarta, una sheegaya in wiilkan yar uu qabo xaalad caafimaad, uu aad u dhiban yahay, loona baahan yahay in aan lagala wareegin.

Laakiin, mid ka mid ah saraakiisha booliiska ayaa la maqlay isagoo qoyska u sheegaya in go’aan ay gaareen maxkamadda iyo Jugendamt (xafiiska daryeelka dhalinyarada), ayna halkaas u joogeen fulinta amarkaas.

Qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si xun u canaantay booliiska iyagoo ku eedeeyay xafiiska daryeelka dhalinyarada inay caruurtooda ka qaateen waalidiintooda.

Bilayska Bremerhaven ayaa xaqiijiyay in shilku dhacay todobaadkan, laakiin waxay ku andacoodeen in muuqaalka lagu faafiyay baraha bulshada isagoo wata "sheegasho been ah" oo ku saabsan sababaha loo kaxeeyay.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in booliisku ay ilmaha ka kaxeysteen qoyskooda Muslimka ah "ka gadaal markii reerka ay diidmo culus kala hortageen in cunuga yar la baro casharo khuseeya qawma-luudka.

Waalidiin badan oo ku nool dalalka reer galbeedka ayaa ku qasbanaadey in ay caruurtooda kala soo baxaan wadamada ay ku noolaayeen sababo ku aadan in iskuulada ay bilaabeen cashaharo dhiiragelinaya khaniisnimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Jarmalka: Daraasad laga sameeyay kororka naceybka Muslmiinta

Germany ayaa hoy u ah in ka badan 4.7 milyan oo Muslimiin ah waana dalka labaad ee ugu badan Yurub.

  • Islam

    10-11-2022

  • 04:24AM