Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Image
Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

TORONTO, Canada - Labo wiil oo walaalo ah ayaa Talaadadii lagu xukumay lix sano oo xarig ah kadib markii ay si xun u weerareen labo nin oo Muslimiin ah. Weerarka ayaa dhacay July 15, sanadkii 2018.

Abu Marzouk, oo markaa 39 jir ahaa, xaaskiisa Diana Attar iyo labadooda gabdhood, oo da'doodu tahay 4 iyo 6, ayaa xilligaas ku wajahnaa gurigooda markii lagu beegsaday duleedka Toronto.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, labada nin ee haatan la xukumay ayaa usoo dhawaadey gaariga qoyska, waxaana dibadda u baxay Marzouk si uu ula hadlo iyaga. Waxa ay tilmaameen in gaariga lagu dhuftay ama ku dhawaaday.

Xukumaneyaasha ayaa kadib waxay ku dhawaaqeen hadalo cunsuriyad ka dhan ah Carabta. Markaas kadib, mid kamid ah ragga la maxkamadeeyay ayaa wajiga ka dharbaaxay Marzouk halka kale uu garaacayay.

Marzouk waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeyn ahayn. Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale beegsatay Fuat Yucel, oo markaas 49 jir ahaa, saaxiibna la ahaa Marzouk una dhashay dalka Turkiga.

Yucel ayaa bartilmaameed noqdey ka gadaal markii uu isku dayay inuu caawiyo Marzouk. Yucel ayaa, sidda ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta, waxaa soo gaaray dhaawacyo sahlan.

Qoyska Marzouk oo ka falceliyey xukunka maxkamadda ayaa shaaca ka dhigay in uusan jirin "xukun badali karta waxyeelo soo gaartey reer dhan balse ay cadaalad tahay in la maxkamadeeyo dambiileyaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM

Jarmalka: Daraasad laga sameeyay kororka naceybka Muslmiinta

Germany ayaa hoy u ah in ka badan 4.7 milyan oo Muslimiin ah waana dalka labaad ee ugu badan Yurub.

  • Islam

    10-11-2022

  • 04:24AM