Recep Erdoğan oo qaylo-dhaan u diray dowladaha Islaamka

Image
Baaqan ayuu madaxweynaha Turkiga ka jeediyey Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Istanbul.

ANKARA, Turkey - Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka digay sharciyeynta nacaybka Islaamka, taas oo xaddidaysa xorriyadda cibaadada iyo xorriyadaha kale ee Muslimiinta ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah.

Isagoo ka hadlayay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Istanbul, ayaa sheegay in sidoo kale ay kordheen weerarada lagu beegsanayo bulshooyinka Muslimiinta.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa ayaa sidoo kale wuxuu ku dhaleeceeyay reer galbeedka laba wajiilanimada ay kula macaamilaan kooxda argagixisada ah ee Dacish.

Erdogan ayaa tusaale wuxuu u soo qaatay kiiska maxkamadda shamiitada Faransiiska ee Lafarge ee maxkamadaha Mareykanka ku caddeeyaan in ay taageerto argagixisanimada.

Isaga sii hadlaya, Erdogan ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqay dalalka Muslimka ah in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta inta ay jiraan dhibaatooyinkan ayna ka fekeraan xalkooda.

"Kama guuleysan karno weerarrada ka dhanka ah dunida Muslimka iyadoo aan la kordhin iskaashiga dhinac walba ah, laga bilaabo Kashmir ilaa Falastiin, laga bilaabo Western Thrace ilaa Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus (TRNC)," ayuu yiri.

Arrinta Islaam nacaybka ayaa noqotay khatar sii kordheysa oo Yurub oo dhan ah, iyadoo dalal dhowr ah ay dejiyeen siyaasado lagu dhisayo, sida lagu sheegay Warbixinta Islamophobia ee Yurub 2021.

Warbixintan oo aad ay u qaadaadhigtey saxaafada Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska ay noqdeen "goobaha ugu waaweyn ee nacaybka Muslimiinta iyo dhacdooyinka Islaam nacaybka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM