Turkiga: Afti loo qabanayo in xarumaha dowlada lagu xirto Xijaab

Image
Madaxweyne Erdogan ayaa soo jeediyey arrintan xilli qadiyadan ay maalmihii dambe hareysay siyaasada Turkiga.

ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii soo jeediyay codbixin guud ahaan dalka oo dhan ah oo ku saabsan dammaanad qaadka xuquuqda haweeneyda ee ah in ay ku xirtaan xijaab xarumaha dowladda, dugsiyada iyo jaamacadaha.

Mawduucan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Muslimiinta xisbiga Erdogan kaas xukunkiisa ku saleysan tahay diinta Islaamka isla markaana qaaday xayiraaddii muddada dheer saarneyd ee xirashada xijaabka ee xarumaha dowladda sanadkii 2013-kii.

Erdogan ayaa inta badan ku tilmaama qaadista xayiraada tusaalaha sida xisbigiisu u matalo Turkida Muslimka ah ee ka soo horjeeda xisbiyada cilmaaniga ah ee xukumay Turkiga ka hor imaanshaha xisbigiisa 2002.

"Haddii aad geesinimo leedahay, kaalay, aan arrintan gelinno afti... Qaranku ha qaato go'aanka," ayuu Erdogan ku yiri hadal uu ula jeeday hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Laakiin sida uu qabo sharciga Turkiga, isbeddellada ayaa u baahan codka 400 oo sharci-dejiyayaal ah inay meelmariyaan iyada oo aan loo baahnayn afti sidaas darteed CHP waxay u baahan doontaa inay taageerto.

Haddii kale, 360 cod, soo jeedin ayaa loo soo jeedin karaa dadka. "Haddii arrintan lagu xallin kari waayo baarlamaanka, waxaan u gudbin doonnaa dadka," ayuu yiri Erdogan.

Arrinta Xijaabka ayaa bilihii la soo dhaafay hareysay doodaha siyaasadeed waddanka Turkiga ee ka hor doorashooyinka guud ee 2023-ka oo lagu wado in ay noqoto mid ka mid ah caqabadaha ugu culus ee hortaagan maamulkii Erdogan ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM