Jarmalka: Daraasad laga sameeyay kororka naceybka Muslmiinta

Image
Germany ayaa hoy u ah in ka badan 4.7 milyan oo Muslimiin ah waana dalka labaad ee ugu badan Yurub.

BERLIN, Germany - Ajaniib nacaybka iyo cadaawadda ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku soo badaneysa bariga waddanka Jarmalka, sida ay ka digtay daraasad ay dhowaan sameysay Jaamacada Leipzig taasoo loogu magacdaray Authoritarianism Study 2022 waxaana ay bartilmaameedsatay gobolada qaas ah.

Qiyaastii 46.6% dadka ku nool bariga Jarmalka ayaa dalbaday in la mamnuuco soogalootiga Muslimiinta, marka loo eego 40.2% ra'yi ururin la sameeyay 2020, sida lagu sheegay sahanka oo la daabacay Arbacadii.

Sidoo kale, 42.7% ka mid ah dadkii la waraystay ayaa sheegay in ay dareemeen sidii ajaaniibta iyagoo dalkooda ku sugan sababtoo ah tirada badan ee Muslimiinta.

Cilmi-baarayaashu waxay tilmaameen in hab-dhaqannada ka dhanka ah Muslimiinta ay aad ugu sarreeyaan gobolladii hore ee shuuciga ahaa ee bariga Jarmalka oo ay aad ugu yar yihiin Muslimiinta ku nool, dadkuna xiriirkoodu yar yahay.

Galbeedka Jarmalka, 23.6% waxay sheegeen inay u doodayaan in la mamnuuco soogalootiga dalalka Muslimka ah, 36.6% waxay sheegeen inay dareemeen inay yihiin ajaanib dalkooda ku sugan sababtoo ah tirada badan ee soogalootiga.

Qaar ka mid ah 33.1% ka mid ah jawaab bixiyaasha ayaa isku-raacay erayo xanaf leh oo ah "Jarmalka waxaa si khatar ah geliyey ajaanibta" iyo "in loo diro dalalkooda haddii ay jirto shaqo yaraan Jarmalka".

Dal ay ku nool yihiin in ka badan 84 milyan oo qof, Jarmalka ayaa martigeliya Muslimiinta labaad ee ugu badan Galbeedka Yurub marka laga reebo Faransiiska. Germany waxay hoy u tahay ku dhawaad ​​4.7 milyan oo Muslimiin ah, sida lagu sheegay tirokoobka rasmiga ah.

Dalkan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo badanayay cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka, waxayna ka dhasheen dacaayadaha kooxaha iyo xisbiyada midigta-fog, kuwaas oo ka faa’idaystay dhibaatada qaxootiga, iskuna dayeen inay kiciyaan cabsida dadka soo galootiga ah.

Mas'uuliyiinta Jarmalku waxa ay diwaan galiyeen ugu yaraan 662 dambi nacayb nacayb ah 2021. In ka badan 46 masaajid ayaa la weeraray intii u dhaxaysay January iyo December ee sanadkii hore waxaana ugu yaraan 17 qof ay soo gaadheen dhaawacyo ka dhashay rabshado ka dhan ah Muslimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM