Hal sambab ayuu leeyahay, balse wuxuu Qur'aanka ku xifiyey 17-jirkiisa

Image

DUBAI, UAE - Dadka qaarkii way ku adag tahay in ay ku hadlaan ama ay fahmaan eray Carabi ah balse waxaa jira kuwa si fiican u garanaya uguna luuqeynaya Qur'aanka oo ka turjumaya heerka ugu sareysa luqadaasi.

Qaarkood caafimaad ahaan ma wanaagsana ama dhibaato caafimaad ayaa haysata balse taasi kama aysan joojin in quluubtooda ay ku raaxeysato akhrinta Qur'aanka Kariimka.

Nader Maxamuud Kouja, 21-jir, oo wadanka Lebanon ku metalaya wareega 23aad ee tartanka Qur'aanka ee magaalada Dubai bishaan Ramadaan, waa shaqsi kaliya leh hal sambab.

"Aniga waan ogahay in ay tahay caqabad wayn in la dhameeyo howlgal cabsi ah kaliya ma ahan in aan hal sambab leeyahay, waxaa jirta dhibaato dhanka neefsashada iga haysata," ayuu raaciyey.

Balse in uu xifdiyo Qur'aanka waxa u taha sharaf wayn, sidda uu hadalkiisa kusii daray. "Xifdinta Qur'aanka waxaa ku kasbaday quluubta dad badan," ayuu daba dhigay.

"In aan xifidiyo Qur'aanka waxaan ku dareemayaa badbaado, raaxo badan iyo dhiirogelin. Karaar-siinta wadnahaaga iyo quluubta waa u dhowaanshiyaha ALLE," ayuu xusay.

Intii uu ku guda jiray tartanka, habkiisa akhrinta Qur'anka waxa uu soo jiitay dad badan, kuwaasi oo booriyay in uu halkaasi kasii wado ku ad-adeegiisa Diinta Islaamka.

Nader ayaa waxa uu dhameeyay Qur'anka isaga oo 17-sano jir. Waxa uuna Shareecada Islaamka ka bartay Jamaacad ku taala wadankiisa. Isaga oo rajeynaya in uu noqdo Wadaad caan ah mustaqbalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM