Islaam-naceybka ka jira Yurub oo gaaray "meeshii ugu sareysay"

Image
Warbixin ayaa daaha ka rogtey wadamadda ay dadkooda ay aad ugu foogan yihiin rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta.

BERLIN, Germany - Cunsuriyada iyo takoorka ka dhanka ah aqoonsiga diimaha ee Yurub ayaa gaaray meeshii ugu sareysay, sidda uu sheegay madaxa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Çağatay Kılıç, kaasoo ay soo xigatay Daily Sabah.

Xilli xusay in guddiga si dhow ula socdo horumarka siyaasadeed iyo bulsho, Kılıç wuxuu sheegay in kor u kaca xisbiyada midigta fog iyo hababka cunsuriyadda ee Italy, UK, France, Austria, Switzerland iyo qaar ka mid ah wadamada Balkanka ay walaac ka muujinayaan.

Kılıç oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda Jarmalku u leeyahay in uu saamayn ku yeesho mawjadaha siyaasadeed iyo bulsho ee Yurub, waxa uu xusay in sidoo kale ay jiraan siyaasado xag-jir ah oo Jarmalku leeyahay.

“Waxaa jira kuwa Yurub jooga oo leh, 'Waxaan u baahanahay inaan xaddidno dhaqdhaqaaqa iyo goobta ay ku nool yihiin Muslimiinta ilaa ay nala qabsadaan'. Tani waxay ka hor imanaysaa qiyamka aasaasiga ah ee Yurub sheeganayso oo ay horay u soo bandhigtay," ayuu raaciyay.

Islaam nacaybka ayaa weli ah khatarta sii kordheysa ee Yurub oo dhan, iyadoo dalal dhowr ah ay dejiyeen siyaasado ka qayb qaatay in la meel mariyo arrin taas beddelkeedana si degdeg ah meesha looga saaro, sida ay muujisay warbixin cusub.

Marka loo eego Warbixinta Islamophobia ee Yurub 2021, Islaam nacaybku wuxuu ahaa "dhibaatada cadaadis ku haysa" qaaradda oo dhan sidii ay ahayd sannadihii hore.

Qiimeynta ayaa waxa ay sheegtay in dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska ay noqdeen "goobaha ugu waaweyn ee nacaybka Muslimiinta iyo dhacdooyinka Islaam nacaybka."

Jarmalka ayaa diiwaan-geliyey ugu yaraan 662 dambi nacayb ah sanadkii 2021. In ka badan 46 masaajid ayaa la weeraray intii u dhaxaysay January iyo December, ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhaawacmay rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM