Al-Shabaab oo xaqiijisay in ay madax-furasho kusii deysay Silvia Romano

Image

ROMA, Italy – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa qirtay in ay lacag madax-furasho ah ku qaateen sii deynta Silvia Romano, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddanka Talyaaniga.

Cali Dheere, afhayeenka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda oo khadka telefoonka kula hadlay jaraa'idka La Repubblica, ayaa tibaaxay in lacagtaas ay ku iibsan doono hub, kuna qabanayaan arrimo kale.

Hase ahaatee, ma uusan carabaabin cadadka lacagtaas. Balse, saxaafadda ayaa waxay ku sheegtay aduun lacageed dhan 3 milyan oo Doolar.

"Lacagta madax-furashadda ah waxaan ku iibsan doonaa hub, kaliya ma ahan midaas, waxaan ku maamuli doonaa dalka, waxaan ku bixin doonaa iskuuladda, waxaan cunto iyo daawooyin ugu soo iibin doonaa dadkeena, waxaan ku tababari doonaa ciidamadeena si ay u dhaqan-geliyaan Shareecadda Islaamka," ayuu hadalkiisa ku daray Cali Dheere, sidda lagu qeexay warbixinta.

Inkastoo dhankeeda aysan wali ka hadlin arrimahaas, Cali Dheere ayaa ku faanay "in ay si fiican ula dhaqmeen Silvia Romano" oo 18 bilood ay haysteen.

"Waxaan sameynay wax walba si aysan u rafaadin, maxaa yeelay waxay ahayd lahayste, ma aysan ahayn maxbuus dagaal, annaga ahaan waxay noo ahayd wax qaali ah oo aan ku gorgortami karnay," ayuu raaciyey.

Marka laga soo tago sheegashadda horjoogahaan, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya dhamaan faalooyinka uu soo bandhigay.

Al-Shabaab ayaa ku caan-baxday in ay qafaalato ajaaniibta si gaar ah reer Galbeedka si ay uga hesho lacago madax-furasho ah, waana mid kamid ah ilaha ay dakhliga ka hesho, wallow ay isku qabtaan maamulkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM