Lacagta ay Al-Shabaab "kusii deysay" Silvia Romano oo la shaaciyey

Image

ROMA, Italy – Qayb kamid ah warbaahinta Talyaaniga ayaa carabka ku adkeyneysa warbixinadda ku saabsan in lacag madax-furasho ah lagu soo daayey Silvia Constanzo Romano oo u afduubneyd xoogaga Al-Shabaab.

Haweenaydan ka shaqeysa arrimaha samafalka oo bishii November, 2018 laga soo qafaashay koonfur-bari Kenya ayaa ku dhowaad 18 bilood lagu hayay meelo kala duwan oo kamid ah koonfurta waddanka Soomaaliya.

Todobaadkan gaar ahaan maalinimadii Sabtidii ayay soo baxeen wararka ku aadan in ay xorriyadeeda dib heshay, wallow aan tafaasiil laga bixin.

Shalay oo Axad ahayd ayay ku laabatay dalkeeda hooyo, iyaddoo lagu soo dhaweeyay sacabo iyo mar-xabaneyn ay hormuud ka ahaayeen qoyskeeda.

Madaxda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaadey in sii deynteeda ay gacan ka geysteen mukhaabaraadka dalalka Turkiga iyo Soomaaliya oo iskaashtay.

Balse, joornaalka Giornale di Puglia ayaa rumeysan in sii deynteeda ay Al-Shabaab "ku qaadatay" aduun lacageed dhan saddex milyan oo Doolar. Lacagtaas ayuu tibaaxay in lagu kala diray xiriiro kala duwan oo qarsoon.

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayuu kasoo xigtay in saraakiil, dowladda Talyaaniga iyo wakiilo ka socday Al-Shabaab ay wada hadleen. Balse, ma uusan shaacin goorta iyo goobta uu ka dhacay wadahadalka.

Xukuumadda Roma ayaanan wali ka jawaabin wararkaan isa soo taraya. Balse, haweenayda waxay balanqaadey in ay hadli doonto marka ay nasato.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay qaadatay Diinta Islaamka, intii ay lahaystaha ahayd isla markaana uu guursaday xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo gacanteeda ay wali ku jiraan ajaaniib kale oo u kala dhalatay Cuba, Jarmalka iyo Iiraan ayaa loo bartay qafaalashadda si ay lacago madax furasho ah uga hesho, waana mid kamid ah ilaha ay dakhliga ka hesho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM