Dib u dhac ku yimid furitaanka BF iyo warbixinta guddiga doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga joogta ah ee labada aqalka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay in uu dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhiga 7aad oo la filayay 27-ka bishan May.

Xubnaha guddiga oo ku kulmay maanta xarunta Villa Hargeysa, oo ku dhex-taalla madaxtooyadda gudaheeda, ayaa ku shaaciyay in kalfadhiga furmi doono 6-da bisha June, iyaggoo aan fahfaahin sababta keentay dib u dhaca.

Waxaa sidoo kale dib loo dhigay waqtiga ay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey hortagayso Baarlamaanka oo laga dhigay 27 June 2020, si ay warbixinta nooca doorasho ee dalka ka dhici karta xiligan shaacin doonto.

Guddiga doorashadda warbixintiisa ayaa la sheegay inay khilaaf ka dhex abuurtay Madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre, oo isku hayo nooca ay noqonayso doorashadda baarlaaaniga iyo mida madaxtinimada. [Halkan ka akhri warkaas]

Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inuu ka gaabiyay howlihii qaranka ee loo doortay, oo ay kamid tahay la xisaabtanka xukuumadda kadib markii Xildhibaano badan wasiiro laga dhigay.

Gollaha ayaa horyaalla wali sharci badan oo aan ansixin kuwaasoo muhiim u ah mustaqbalka waDdanka, iyaDdoo mudDo xileedkiisa 4-ta sano ay sii dhamaaneyso.

Sidda ku xusan qiimeyn la sameeyay, todobaatan boqolkiiba [70%] xubnaha laanta fulinta waxay kamid yihiin labada aqal ee sharci-dejinta, taas oo lagu qeexay xeelad siyaasadeed oo looga hortagayo mooshin laga keeno madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM