DF oo shatiga kala laabatay shirkado diyaaradeed oo laga leeyahay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu waramay in ay shatiyadda kala laabatay laba shirkado diyaaradeed oo laga leeyahay waddanka Kenya.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in shirkadaha loo haysto khaad ay ka dhigeen "gargaar" oo ay soo geliyeen dalka, "taas oo ka dhigan in ay ku xadgudbeen shuruuda xakameynta Coronavirus".

Shirkadaha ruqsada lagala noqdey oo la fahansan yahay in lagu wargeliyey talaabadaas ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay; Buff Air Services iyo Silverstones Air Services

Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa si hoose ugu sheegay Garowe Online in mid kamid ah shirkadaha loo haysto khaad ay 26-kii May 2020 ka dejisay garoonka diyaaradaha Buuhoodle.

Sidoo kale, shirkadda kale waxaa lagu helay in ay maandooriyahaas la mamnuucay inta lagu guda jiro ololaha lagula dagaalamayo Covid-19 ay geysay Jowhar, 31-ka bishii hore ee May, 2020.

Marka laga soo tago eedeynta iyo talaabada xukuumadda Muqdisho, ma jiro wax war ah oo shirkadaha ay kasoo saareen talaabaddan oo imaaneysa xilli baaris uu ku socdo shil diyaaradeed.

Diyaaradaas oo laga leeyahay isla Kenya ayaa bishii hore lagu soo riday magaaladda Berdaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM waxay qirteen in ay toogteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM