Yuu wali u furan yahay xabsiga Godka Jilacow ee Muqdisho?

Image
2018-kii, dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in loo bedelayo akadeemiyad lagu tababaro saraakiisha sirdoonka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xabsiga Godka Jilacow ee dowladda Soomaaliya ay sheegtay in la xiray December, 18-keeda, sanadkii 2018-kii ayaa wali furan waxaa dad ku ciqaabaysa hay’adda sirdoonka qaranka, sida uu shaaciyey dhibane.

Wasiiradii amniga iyo cadaaladda xilligaas - Islow iyo Xasan Xuseen - ayaa carabka ku adkeeyay in jeelkan loo bedelayo akadeemiyad lagu tababaro saraakiisha hay'adda sirdoonka qaranka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur (Nasri) oo horey uga mid ahaa mas'uuliyiinta Jubaland bilooyina kamid ah 2019-kiina ku qaatey jeelkaas ayaa Jilacow ku sifeeyay "meel ay NISA ku gumaado shaqsiyaadka ay dambiyada culus ka gala".

Sida laga soo xigtey Nasri oo u waramay warbaahinta Hanoolaato, xafiiska hay’adda NISA ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa isaga qabtey kuna wareejiyay ciidamo geeyay Godka Jilocow "oo aan kaga jiray qolka ugu xun".

"Maalintii koowaad waxaan lay xiray afarta barqanimo waxaana la ii yimid labada fiidnimo. Sida xabsiyadda Gaalada oo kale qofka maxbuuska ah looma ogolaanayo in uu Salaad tukado. Malaha waxaan is iri ayagaba Salaad ma tukadaan," ayuu yiri.

Nasri ayaa loo beegsatay in uu ka hor-yimid fulinta qorshe ay NISA u soo bandhigtey oo qeyb ka ahaa damaca kooxda Farmaajo ee is-hortaagga doorashaddii Axmed Madoobe ama in uu colaad ka kiciyo magaalada nabada ah ee Kismaayo.

Cabdullaahi Dheere, oo ah gacanta midig ee Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hay’adda sirdoonka haddana ah lataliyaha amniga qaranka, ayaa isku xiray Fahad iyo Nasri – kaasoo loo siiyey 230-kun doolar si uu u fuliyo qorshahaas gurracan.

"Runtii mudadii aan ku jiray Godka Jilacow waxaan noqdey 37 kiilo culeys ahaan. Katiinada laygu xiray darteeda waxaa dhibaato iga soo gaartey neerfaha. Dhowr jeer oo isbitaalka ku miyir-beelay daryeel fiican ma helin. Markii lay soo daayaan ayaan Hindiya isku soo daaweeyay," ayuu carabka ku duftey.

Sida laga soo xigtey Nasri, maalmihii koowaad ee jeelka uu ku jiray waxaa u yimid shaqsiyaad uu ku jiro Zakariya Axmed Ismaaciil Xersi, horjooge sarre kana tirsanaa Al-Shabaab, balse hadda NISA u qaabilsan shaqooyin aan wali la qeexin.

Balse, wuxuu waqtigaas ugu tagay Nasri si uu ula yeesho wareysi una siiyo fursad kale oo uu kula sii shaqeeyo una fuliyo qorshahooda. Zakariye wuxuu ahaa shaqsi isticmaalayay kalmadaha lagu yaqaano Al-Shabaab sidda "Akhii" oo farayay in uu fuliyo qorshe Khalkhal lagu gelinayey amniga Kismaayo.

Mudadii ay kooxda Farmaajo ka shaqeyneysya khalkhal-gelinta amniga Kismaayo waxaa magaalada ka dhacay qarax ay dad badan ku nafwaayeen kaasoo lagu beegsadey Hotel Cas-casey. Weerarkan dhacay July, 2019-kii wuxuu galaaftey 20 ruux.

Shaqsiyaadka ku nafwaayey waxaa kamid ahaa ajaaniib iyo Soomaali caan ah oo haysatay dhalashadda dalal kale. Waxaa ku jirtay Hodan Naaleeye, oo ahayd Soomaali-Canadian. Dunida ayay la wadaagi jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Jubaland ayaa maalmo kadib weerarkaas waxay wacad ku mareen baahinta warbixinta baaritaanka dhacdadaas. Hase ahaatee, iyadda oo ay soo dhow-dahay sanad-guuraddii afaraad ee xasuuqaas, wali ma shaacin maxsuulka galkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo dabcisay mowqifkeeda baabi'inta UNSOM

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Xasan Sheekh uu cadaadis kala kulmay saaxiibada caalamka.

  • Soomaliya

    11-05-2024

  • 09:13AM

Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay eedeysaneyaal

Eedeysanayaashaan ayaa waxa ay isugu jiraan milkiileyaal iyo farsamayaqaano.

  • Soomaliya

    09-05-2024

  • 05:25PM