Biixi oo Beesha Caalamka "u caddeeyay" mowqifkiisa doorashadda

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Khamiis ah, wuxuu qaabilay xubno ka socda Beesha Caalamka.

Wafdiga oo ka kala socday; Jarmalka, Netherlands, Finland, Poland, Austria, Denmark iyo ururka IGAD waxaa horkacayey ergayga Midowga Yurub.

Sidda laga soo xigtay qoraalka Madaxtooyadda, ajendaha ugu weyn ee shirka wuxuu ahaa doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biixi "u caddeeyay xubnaha in ay ka go'an tahay qabashadda doorashooyinka hadii farsamo iyo sharci ahaan lagu heshiiyo".

"Sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo," ayuu ku daray bayaanka.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka Somaliland ayaa khilaafka ugu badan wuxuu ka jiraa dhanka Guddiga doorashooyinka.

Muranka oo taagan lixdii sano ee lasoo dhaafay ayaa u muuqda mid "gabagabo" ku dhow, maadaama leysku raacay in la kala diro Guddiga cusub ee doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM