Dadka uu Coronavirus ku dilay degaanada Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Khamiista maanta ah shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 14 kiis cusub oo ah safmarka faafa ee Corona.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, dhamaan bukaanadda cusub waa muwaadiniin aan safar gelin. Tobban kamid ah waa rag, halka afarta kalena ay yihiin Dumar.

Da'ooda waxay u dhaxeysaa 20jir ilaa 80jir. Si lamid ah, 12-kamid ah waxay joogaan magaaladda Hargeysa, 2 kelana Saaxil.

Hal qof oo da’diisu tahay 80-jir isla markaana deganaa Hargeysa ayaa geeriyooday, taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan ugu dhintay Somaliland 6, sidda lagu caddeeyay qoraalka.

Lama soo warin bukaan caafimaadey 24-kii saac ee lasoo dhaafay, taas oo la macno ah in tirada bogsatay ay wali tahay todoba.

Dadweynaha ayay ku tartarsiisay in ay qaataan talooyinka caafimaadka oo ay kamid tahay faraxalka badan iyo kala fogaanshiyaha.

Sikastaba ha-ahaatee, kororka maalinlaha ah ee xaaladaha xanuunka ee Somaliland ayaa si maalinle ah u socda, waxaana barbar socda talaabooyinka maamulku kaga hortagayo faafitaan horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM