Kiisaska fayruska dilaaga ah ee Corona ee Somaliland oo gaarey lix

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah waxay xaqiijisay kiis cusub oo ah Coronavirus, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee 19-ka Maaj, 2020.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta ay tahay lix maadaama horey loosoo wariyey shan xaaladood oo caabuqaas ah.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxaa bogsaday hal bukaan. Balse lama shaacin magaaladda uu ku sugan yahay shaqsigaas.

Kiisaska horey ayaa laga soo sheegay magaalooyinka kala ah; Hargeysa oo ah caasimada ah, Berbera, Burco iyo Booroma.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay laga baarey cudurka dad tiradooda lagu sheegay kun qof.

Kiiska cusub ee kasoo kordhay dhanka Somaliland ayaa wadarta guud ee Soomaaliya wuxuu ka dhigayaa 136 maadaama Wasaarada Caafimaadka federaalka horey u shaacisay 135.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse Beesha Caalamka waxay u aqoonsan tahay Maamul Goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM