EU-da oo wada qorshe ku wajahan wadahadalka DF iyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa wuxuu damacsan yahay qorshe uu isugu dayayo in uu dib ugu bilaabo wadahadalada hakadka ku jirta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Nicolas Berlanga, ergayga EU-da u qaabilsan Soomaaliya, ayaa wuxuu daaha ka rogay qorshahaas kadib kulan dhanka isgaarsiinta ah oo todobaadkan uu la yeeshay hogaanka maamulka, Muuse Biixi Cabdi.

Intii uu socday shirkaas, danjire Berlanga ayaa balanqaadey "in ay fududeyn doonan siddii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodka".

Diblumaasigan dhashay Spain ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay iskaashi dhexmara dhinacyadda iyo heshiis ay ka gaaraan dhibaatooyinka jira "si ay u gutaan waajibaadka muwaadiniinta ka saaran".

Kulankaan oo dhacay Talaadadii laguna xusayey Maalinta Yurub ee 2020 ayuu xoojiyey muhiimadda xiriirka labadda dhinac oo xoogeysta.

Wadaxaajoodyadda oo aan qabsoomin shantii sano ee lasoo dhaafay waxaa caqabadaha hortaagan kamid ah; is-qabqabsi ka taagan meesha lagu kulmayo iyo dowladaha doonaya in ay martigeliyaan shirka.

Bishii Febraayo, dhinacyada ayaa isku soo dhowaada xoogaa kadib kulan Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Biixi. Balse, waxaa laga hor-yimid dalab uu Farmaajo ku booqan lahaa Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegata madax-banaani tan iyo 1991-dii ayaanan wali helin aqoonsi caalami ah. Caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul xubin ka ah ama hoostaga xukuumada fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM