Somaliland oo baaq kasoo saartey dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay dagaal beeleed saaka ka dhacay degaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag.

Biixi ayaa "wax laga xumaado" ku tilmaamay in ay beeluhu diriraan iyaddoo olole xoogan loogu jiro ka hortagga Coronavirus.

Dhinacyadda diriray ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan xabadda isla markaana ay u hogaan-samaan baaq nabadeed oo uu diray.

Odayaasha dhaqanka ayuu ku tartarsiiyey in ay qaataan nabadda isla markaana ay ka shaqeeyaan siddii loo dhaqan-gelin lahaa.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday isku dhacaas, waxaana ku dhaawacantay saddex kale, sidda ay sheegeen dadka degaanka oo khadka telefoonka kula hadlay Garowe Online.

Ma cadda xudunta dagaalka, balse warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya. Qaar ayaa ku sheegaya aano qabiil gaar ahaan nin horey halkaas loogu dilay, qaar kale waxay ku sheegeen dul-qaasimeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso in ay halkaas u dirto wafdi si looga hortago isku dhac kale oo mustaqbalka dhexmara beelaha walaalaha misana ood wadaagta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM