Nin u dhashey dalka Ethiopia oo lagu toogtey Hargeysa

Image

HARGEYSA- Nin Soomaali ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Ethiopia, ayaa habeenkii xalay lagu toogtay xaafadda Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex  Maxamed Maxamuud Jeeniyare oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in ninkaan ku dhaceen xabado laga riday Bistoola. Jeeniyare ayaa ka gaabsaday sababta keentay in si gaar ah loo bartilmaameedsado dadka kasoo jeeda deegaannada Ethiopia ee Hargeysa dhexdeeda.

Dilkaan ayaa ku soo beegmaya xilli xaafadda Maroodi Jeex mudo hore lagu dilay nin kale oo isaguna kasoo jeeda dawlad-deegaanada Ethiopia.

Somaliland ayaa magaalooyinkeeda waaweyn waxa dagan dad farabadan oo u dhashey qowmiyadaha kala duwan ee Ethiopia kuwasoo ka shaqeysta halka kuwa kale 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM