Somaliland: Duqa magaalada Boorama oo isku day dil ka badbaadey

Image
Image

BOORAMA, Somaliland – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan weerar xalay lagu qaadey guriga duqa magaaaladda Booroma, Saleebaan Xasan Xadi, sidda uu isagu u xaqiijiyey warbaahinta gudaha.

Kooxo hubeysan oo heybtooda aan la aqoonsan ayaa waxaa lagu waramay in ay rasaas ooda uga qaadeen afafaafka hore ee hoyga.

Dadka degaanka xarunta gobolka Awdal ayaa shaaca ka dhigay in ay maqleen daryenka rasaas culus "oo u muuqatay iska hor-imaad".

Mr Xadi oo war-fidiyeenka ugu waramay khadka telefoonka ayaa daboolka ka qaadey in uu badqabo isla markaana aysan dhibaato soo gaarin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xilliga uu falkaas dhacayay ay guriga ku sugnaayeen inta badan xubnaha qoyska mas'uulka, wallow ay badqabaan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda duulaankaas oo imaanaya xili bilooyinkii u dambeeyay ay soo kordhayeen falal noocaas ah.

Jabhado u abaabulan qaab beeleed ayaa ka jira qaybo kamid ah degaanada maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, kuwaas oo sheegay in hab-dhaqanka xukuumadda Biixi ku qasabtay in ay hub qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM