Somaliland oo ku dhawaaqdey kiisas horleh oo ah Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay saddex kiis cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee xaaladaha xanuunka ay haatan sii mareyso 43, kuwaas oo u badan bukaano lagu qaadsiiyey gudaha, wallow ay ku jiraan shaqsiyaad ajaaniib ah.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda taasoo nuqul kamid ah uu arkay GO, saddex bukaan ee soo kordhay waa muwaadiniin ku kala sugan gobolada Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Gobolka Maroodi-jeex waxaa ku sugan laba qof, halka Saalixna laga helay hal ruux. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shalay sheegay in cudurka uu si baaxad leh ugu faafay gobolada.

Dhanka kale, ma jirto wax dhimasho ah oo la diiwaan-geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, lama soo warin bukaano cusub oo ka caafimaadey caabuqan halista badan.

Tiradda dhimashadda ayaa wali ku taagan shan, halka dadka ka bogsaday ay tiradoodu dhan tahay shan. Mas'uuliyiinta caafimaadka waxay rajeynayaan in geerida aysan intaas ka badan.

Iyaddoo kororka maalinlaha ah uu wali sii socdo, shacabka Somaliland ayaa lagu dhaliilay in aysan dhab u qaadan jiritaanka fayruska, iyaddoo goobaha waxbarashada dib loo furay, wallow loo digay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM