Somaliland oo shaacisay kiisas horleh oo ah safmarka Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah wuxuu shaaciyey lix kiisas cusub oo ah safmarka dilaaga ah ee Coronavirus, taas oo tiradooda guud ka dhigeysa 40 xaaladood.

Warbixinta maalinlaha ee 10-ka bishaan May ee sanadkan 2020 ayuu maamulku daboolka kaga qaadey in bukaanada cusub ay kamid yihiin 396 ruux oo xanuunka laga baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Shan kamid ah shaqsiyaadka cusub ee laga helay cudurka ayaa ku sugan magaala madaxda Hargeysa, sidda ku xusan warbixinta.

Sidda ku cad warbixinta, qofkii shanaad oo ku sugan degaanadda maamulka gooni u goosadka ah ayaa u geeriyooday caabuqa faafa.

Warar ayaa sheegaya in bukaanka dhintay uu dhowaan ka yimid Berbera isla markaana uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Tiradda dadka bogsaday xanuunka ayaa wali ku taagan saddex, taas oo muujineysa in aysan hooseyso dadka caafimaadaya.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa waxay u muuqataa mid wajaheysa koror maalinle ah oo la xiriira xaaladaha xanuunkan aadka halista u ah xilli ay haysato qalab yari una qaylo-dhaamiyeen Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM