Somaliland oo shaacisay kiisas iyo geeri cusub oo ka dhalatay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa Jimcada maanta ah shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu diiwaan-geliyey 11 kiisas cusub oo ay safmarka dunida heeganka geliyey ee Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxay xaqiijisay in qofkii saddexaad uu u dhintay cudurka.

Tiradda xaaladaha xanuunka ee degaanadda Somaliland ayaa waxay haatan gaartay 23 maadaama horey loosoo wariyey 12 kiisas ah.

Si lamid ah, bukaanadda uu haleelay fayruska sidda fudud u faafa ee ka bogsooday ayaa illaa iyo haatan waxay ku taagan tahay saddex.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee guddiga ka hortagga, bukaanada cusub waxay joogaan Hargeysa, gobolka Sanaag iyo Burco.

Illaa iyo haatan, waxaa tiraddii ugu badneyd ee maalin qura ay Somaliland shaaciso in ay ka heshay caabuqaas kasoo bilowday Shiinaha.

Cudurka Covid-19 ayaa u muuqda mid gaaray gobolada Soomaaliya, waana arrin ay bahda caafimaadka ka digtay markii magaalooyinka waaweyn uu si aayar ah ugu dhex-faafay, taasoo walaac laga muujiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM