Somaliland oo shaacisay kiisas iyo geeri cusub oo ka dhalatay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa Jimcada maanta ah shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu diiwaan-geliyey 11 kiisas cusub oo ay safmarka dunida heeganka geliyey ee Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxay xaqiijisay in qofkii saddexaad uu u dhintay cudurka.

Tiradda xaaladaha xanuunka ee degaanadda Somaliland ayaa waxay haatan gaartay 23 maadaama horey loosoo wariyey 12 kiisas ah.

Si lamid ah, bukaanadda uu haleelay fayruska sidda fudud u faafa ee ka bogsooday ayaa illaa iyo haatan waxay ku taagan tahay saddex.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee guddiga ka hortagga, bukaanada cusub waxay joogaan Hargeysa, gobolka Sanaag iyo Burco.

Illaa iyo haatan, waxaa tiraddii ugu badneyd ee maalin qura ay Somaliland shaaciso in ay ka heshay caabuqaas kasoo bilowday Shiinaha.

Cudurka Covid-19 ayaa u muuqda mid gaaray gobolada Soomaaliya, waana arrin ay bahda caafimaadka ka digtay markii magaalooyinka waaweyn uu si aayar ah ugu dhex-faafay, taasoo walaac laga muujiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM