Somaliland oo baahineysa natiijada 11 ruux oo lagu tuhmay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay soo bandhigeyso natiijadda kasoo baxday 11 qof oo ay ka baartay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaraddaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in in dheecaanada dadkaas ay u direen dibadda, wallow uusan magacaabin waddanka.

Sidoo kale, ma uusan shaaca ka dhigin waqtiga ay jawaabta heli doonan iyo goorta ay sidda rasmi ah ugu dhawaaqi doonan.

Dhinaca kale, Xergeeye ayaa tilmaamay in tan iyo markii uu dilaacay Covid-19 ay baareen laba kun oo qof, kuwaas oo kasoo gudbay xuduudka iyo 150 qof oo garoomada diyaaradaha ay ku qabteen.

Isagoo hadalkiisa siita, agaasimaha ayaa xusay in ay gobolada u diri doonan xirfadlayaal soo hubiya hadii ay jiraan kiisas qarsoon oo bulshadda dhexdeeda ah, maadaama warar noocaas ay jiraan.

"Waxaan dhawaan bilaabaynaa Kooxo u kala baxa gobolada oo soo hubiya in wax xaalado ah oo qarsooni ay gobolada jiraan, isla markaana soo baadha xaalada dhinaca shaybaadhka oo soo qaadaya tijaabooyin laga soo qaadayo gobolada dhamaantood iyo caasimada Hargeysa".

Hase ahaatee, ma carabaabin xilliga ay diri doonan. Taas bedelkeeda wuxuu carabka ku adkeeyay in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan ay ku daad-gureyn doonan dhakhaatiirta.

Somaliland ayaa horey u sheegatay shan xaaladood oo Coronavirus ah. Waxaa laga soo kala wariyey magaalooyinka Booroma, Berbera Burco iyo caasimada Hargeysa. Cabsida laga qabo in ay kordhaan way sareysaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM