Somaliland oo soo bandhigtay kiisas horleh oo ah xanuunka Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa xaqiijisay in Talaadada maanta ah ay diiwaan-gelisay shan kiis cusub oo ah safmarka dilaaga ah Coronavirus.

Bukaanada cusub oo dhamaantooda rag ah ayaa ku sugan magaala madaxda Hargeysa. Gebigooda waa muwaadiniin aanan wax safar ah gelin, taas oo ka dhigan in gudaha lagu qaadsiiyey.

Sidda ku xusan warbixinta wasaaradda, da'dooda ayaa u dhaxeysa 33-sano jir illaa iyo 76-jir. Tani waxay la macno tahay in dadka uu soo ridanayo ay isugu jiraan dhalinyaro iyo waayeel.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in hal qof oo horleh oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu ka bogsoodey xanuunkan asal ahaan bishii December kasoo bilowday bartamaha Shiinaha.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta xaaladaha caabuqa ee degaanadda Somaliland ay gaartay 48, geeridu waxay wali ku taagan tahay shan maadaama aan lasoo warin dhimasho cusub maanta.

Intaas waxaa wehlisa, tiradda bukaanada ka caafimaadey fayruska ayaa sii maraya lix, waana mid ka hooseysay shaqsiyaadka uu sidda maalinlaha ah u helayo, taas oo halista muujineysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa lakacaakufeysa iska caabinta iyo xakameynta Covid-19, waxaana caqabada ugu weyn ay kala imaaneysaa shacabka oo aan wali qaadan khatarta colkan qarsoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM