Tirada kiisaska Coronavirus ee degaanada Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay lix kiis cusub oo ah cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, shan kamid ah shaqsiyaadkaas waa muwaadiniin, mid kelana wuxuu kasoo jeedaa waddanka Bangladesh ee dhaca qaaradda fog ee Aasiya.

Sidoo kale, bukaanada cusub oo da'dooda ay u dhaxeyso 22-jir illaa iyo 50-sano jir ayaa 4 kamid ah waxay yihiin rag, laba kelana waa dumar.

"Bukaanada oo xaaladooda ay haatan wanaagsan tahay afar kamid ah waxay joogaan Hargeysa, labada kelana Burco," ayay raacisay wasaaradu.

Nasiib wanaag, lama soo warin dhimasho cusub 24-kii saac ee lasoo dhaafay, taas oo ka dhigan in wali geeridu tahay shan ruux.

Intaas waxaa wehlisa, waxaa bogsaday hal bukaan, taasoo wadarta guud ee dadka ka caafimaadey ka dhigeysa ama noqoneysaa [7] todoba.

Sikastaba ha ahaatee, kororka maalinlaha ah ee xaaladaha xanuunka ee degaanada Somaliland ayaa si maalinle ah u socda, waxaana barbar socda talaabooyinka maamulku kaga gaashaamanayo faafis horleh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM