Tirada kiisaska fayruska Corona ee degaanada Somaliland oo korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga ka hortagga Coronavirus ee maamulka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqdey saddex xaaladood cusub oo fayruska safmareenka ah.

Kiisaska cusub ayaa laba kamid ah waxaa laga soo wariyey magaalada caasimada ah ee Hargeysa, halka labada kale ay ka jiraann Boorama. Tani waxay wadarta guud ka dhigeysaa shan.

Magaalooyinka Berbera iyo Burco ayaa horey looga soo sheegay laba xaaladood, oo mid kamid ah uu soo ritay muwaadin Shiinees ah, halka bukaanka kale uu yahay muwaadin ka yimid UK.

Shaacinta ayaa kusoo aadeysa xili sheybaarka lagu baaro xanuunka dilaag ah ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay shalay ku wareejisay xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Wadarta guud ee kiisaska Coronavirus ee guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda gaartay 28, maadaama 25 kamid ah laga xaqiijiyey magaala madaxda Muqdisho.

Caasimadda Soomaaliya ayaa ah magaalada ugu badan kiisaska laga soo sheegay, intaas waxaa u wehlisa in ay u geeriyoodeen laba qof oo mid uu yahay wasiir ka tirsanaa HirShabelle.

Si lamid ah, magaalada Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow habeenkii ah laga bilaabo labada fiidnimo illaa iyo shanta subaxnimo, kaas oo dhaqan-geli doona 15-ka bishaan April, sanadka 2020. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM